Ben White ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee iska diida inuu qayb ka noqdo xulka qaranka England oo uu tababare Gareth Southgate ugu yeedhay, waxaana uu macallinka xulka Ingiriisku ku tilmaamay go’aanka laacibkan ‘mid laga xidhoodo’
White oo bandhig fiican ka samaynaya horyaalka Premier League ayaa waxa uu hore uga tegay waddanka Qatar waqtigii uu socday Koobka Adduunka oo ay isku dhaceen tababareyaasha, waxaana la rumaysan yahay inuu arrintaas daraadeed u diiddan yahay inuu kusoo laabto xulkiisa.
Difaacan ayaa waxa uu ku biiray raadka 11 ciyaartoy oo ka horreeyey oo qaarkood ahaayeen halyeeyo taariikhda ugu jira xulka England oo xilliyo lagu daray xulku si badheedh ah iskaga diiday.
Chris Sutton oo ah khabiirka waqtigan saadaaliya ciyaaraha, una ciyaari jiray Liverpool ayaa iska diiday inuu u dheelo xulka England waqtigii uu tababaraha u ahaa Glenn Hoddle, xilligaas oo lagu daray kooxda da’yarta.
Waxa kale oo xulka iska diiday khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa sannadkii 2021 iska diiday inuu qayb ka noqdo xulka England oo looga yeedhay, waxaanu ku adkaystay in waqtigaas uu sii joogayo kooxdiisa Borussia Dortmund.
Xiddigii khadka dhexe ee Manchester United ee Michael Carrick ayaa isaguna ka cudur-daartay markii laga reebay xulka England intii u dhaxaysay October 2009 illaa Euro 2012, waxaana markii dambe loogu yeedhay waxyar kaddib tartankii Euro 2012 isaguna waa uu iska diiday, inkasta oo laba bilood kaddib uu ogolaaday inuu xidho garanka xulkiisa.
Waa kuwan 11ka ciyaartoy ee iska diiday inay u dheelaan xulka England waqtiyo looga yeedhay: Chris Sutton, David Bentley, Micah Richards, Ben Foster, Michael Carrick, Tom Ince, Danny Drinkwater, Mason Greenwood, Jude Bellingham, Reece James iyo Callum Hudson-Odoi.