Arsenal ayaa la filayaa in ay dib u soo noolayso xiisihii ay u qabtay 25 jirka reer Brazil iyo kooxda Aston Villa ee Douglas Luiz xagaagan. (Football Insider)
Fulham ayaa u calaamadsatay xiddiga Chelsea Trevoh Chalobah, oo 24 jir ah, inuu yahay bedelka 26 jirka daafaca dhexe ee England Tosin Adarabioyo, kaasoo la filayo inuu baxo marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Teamtalk)
Manchester United ayaa dareenkeeda u weecisay 24 jirka reer France ee kooxda Nice Jean-Clair Todibo ka dib markii ay awoodi waayeen qiimaha 21 jirka daafaca dhexe ee England Jarrad Branthwaite ee Everton. (Teamtalk)
Jadon Sancho, oo 24 jir ah, ayaa u furan inuu dib u bilaabo xirfadiisa Manchester United oo uu dib ugu soo laabto kooxda haddii tababare Erik ten Hag uu baxo. (I news)
United waxa ay dooneysaa in ay iska iibiso xiddiga reer Brazil ee Antony, oo 24 jir ah, xagaagan. (Rudy Galetti)
Bayer Leverkusen ayaa qiimo dhan 150m euros (£128m) dul dhigtay 20 jirka khadka dhexe uga ciyaara Jarmalka ee Florian Wirtz xilli ay xiisa ka helayaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid. (Radio Marca)
Arsenal iyo Liverpool ayaa xiiseynaya daafaca dhexe ee Ecuador Willian Pacho, oo 22 jir ah, kaasoo u ciyaara Eintracht Frankfurt. (Florian Plettenberg)
Arsenal ayaa xagaagan suuqa soo dhigi doonta weeraryahanka reer England Eddie Nketiah, oo 24 jir ah, laakiin waxa ay dul dhigi doontaa 40 milyan ginni. (HITC)
Tottenham ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Shakhtar Donetsk iyo Ukraine Giorgi Sudakov, 21. (Caught Offside).
Newcastle ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Nottingham Forest ee 24 jirka Morgan Gibbs-White (Football Insider).
Liverpool ayaa qarka u saaran inay David Woodfine u magacowdo kaaliyaha agaasimaha ciyaaraha ee Richard Hughes, maadaama uu ku soo laabanayo Anfield wax ka yar hal sano ka dib markii uu ka tagay kooxda. (Liverpool Echo)
Manchester United ayaa wadahadalo la furi doonta 18 jirka khadka dhexe ee England Kobbie Mainoo si ay heshiis cusub uga saxiixdo xagaagan. (The Sun)
Everton ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiso weeraryahanka reer England Dominic Calvert-Lewin, 27 jir, kaasoo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda. (Football Insider)
Juventus ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya weeraryahanka reer Talyaani Federico Chiesa, kaasoo lala xiriirinayo Liverpool iyo Newcastle, ka dib markii ay isku dhaceen weeraryahanka oo 26 jir ah iyo tababare Massimiliano Allegri. (Tuttosport)