West Ham ayaa wadahadalo la yeelan doonta tababaraha kooxda Sporting Lisbon Ruben Amorim, oo 39 jir ah si ay ugu bedelaan tababare David Moyes oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaagan. (The Athletic)
Tababarihii hore ee Wolves Julen Lopetegui ayaa si dhab ah ugu tartamaya inuu David Moyes ka badalo London Stadium. (Telegraph)
Amorim ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee Liverpool si uu u bedelo Jurgen Klopp laakiin tababaraha Brentford Thomas Frank ayaa la tixgelinayaa haddii uu tababaraha reer Portugal uu ku biiro West Ham. (Teamtalk)
Kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr ayaa weli xiiseyneysa saxiixa xiddiga Manchester City Kevin de Bruyne xagaaga, waxaana la filayaa inay dhawaan la xiriiraan 32 jirka reer Belgium. (Rudy Galetti)
Barcelona ayaa kula biirtay Arsenal xiisaha ay u qabto xiddiga lagu qiimeeyo 90 milyan ginni ee weeraryahanka Newcastle United iyo Sweden Alexander Isak, oo 24 jir ah, iyadoo kooxda reer Spain ay rajeyneyso inay heshiis la gaarto Newcastle. (The Sun)
Arsenal iyo Manchester United ayaa ku biiray tartanka loogu jiro saxiixa garabka Crystal Palace iyo xulka France Michael Olise, oo 22 jir ah, laakiin waxa ay tartan kala kulmayaan Chelsea, Manchester City iyo Juventus. (Football Insider)
Arsenal ayaa rajeyneysa inay seddex ama afar saxiix oo waa weyn ay sameyso xagaagan, iyadoo bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay weeraryahanka Sporting Lisbon iyo Sweden Viktor Gyokeres, oo 25 jir ah. (Football Transfers)
Liverpool ayaa daawatay Gyokeres kulankii ay Sporting 3-0 kaga badisay Vitoria usbuucan iyaga oo bartilmaameedsanayay weeraryahan cusub iyo daafac dhexe xagaagan. (HITC)
Manchester United ayaa bartilmaameed sare xagaagan ka dhigtay daafaca Everton iyo England Jarrad Branthwaite, oo 21 jir ah, waxaana ay doonayaan inay heshiis xilli hore ah la gaaraan ciyaaryahanka (Football Insider)
Real Betis ayaa raadineysa inay lasoo saxiixato goolhayihii hore ee Manchester United iyo Spain David de Gea, oo 33 jir ah, kaasoo ahaa wakiil xor ah tan iyo markii uu ka tagay Old Trafford dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore. (Estadio Deportivo)
Daafaca Brazil Thiago Silva, oo 39 jir ah, ayaa ka tagi doona Chelsea marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga. (Fabrizio Romano)
Bayern Munich ayaa isha ku heysa xaalada xiddiga Barcelona Frenkie de Jong, inkastoo mushaarka 26 jirkaan khadka dhexe ee Netherlands ay meesha ka saari karto inuu u dhaqaaqo kooxda. (Sky Sports Germany)
Shaqada uu qabtay Erik ten Hag ayaa waxaa qiimeyn doona agaasimaha cusub ee farsamada Manchester United Jason Wilcox ka hor inta aysan kooxdu go’aan ka gaarin mustaqbalka tababaraha reer Holland. (Telegraph)
Tababaraha Brighton Roberto de Zerbi ayaa ah musharraxa ugu horreeya ee bedeli kara Ten Hag haddii uu ka tago Old Trafford, halka Brighton ay bedelka de Zerbi la dooneyso tababaraha Burnley Vincent Kompany. (Teamtalk)
Bayern Munich ayaa sidoo kale la hadlaysa De Zerbi madaaama bartilmaameedkooda koowaad ee Julian Nagelsmann uu doortay inuu qandaraaska u kordhiyo xulka Jarmalka. (HITC)