Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa fiidka caawa martigelin doontaa Chelsea, iyadoo Mikel Arteta uu ka nafisay dhaawacyadii oo ay u muuqato kooxdiisu in ay dib u heshay dhamaan ciyaartoydeeda xilligii ugu xaasaasisanaa ee ay kulamada ugu dambeeya uguna adag kusoo waajahan yihiin kooxdiisa.
Arsenal ayaa sii dheeraysan doonta hoggaanka horyaalka oo ay saddex dhibcood dhaafi doonto Liverpool oo Arbacada ciyaari doonta, laakiin waa haddii ay ka adkaadaan Chelsea oo qaab fiican ku jirtay kulamadii ugu dambeeyey.
Mikel Arteta oo kooxdiisu ay 2-0 ku garaacday Wolves maalintii Sabtidii ayaa waxa uu shaaciyey liiska ciyaartoydiisa kulanka caawa ee Chelsea, waxaana uu kusoo daray Bukayo Saka oo uu shaki ku jiray taam ahaanshihiisa markii ay waxyeello kasoo gaadhay kulankii Wolves.
Labada ciyaartoy ee kaliya ee ka maqan Arsenal waa Jurrien Timber oo kasoo kabtay dhaawac isla markaana Isniintii u ciyaaray kooxda da’yarta iyo Takehir Tomiyasu.
Halkan kaga bogo liiska xiddigaha Arsenal ee kulanka caawa ee Chelsea
Goolhayeyaal: David Raya, Aaron Ramsdale
Difaacyahanno: William Saliba, Gabriel Magalhaes, Ben White, Oleksandr Zinchenko, Jakub Kiwior
Khadka Dhexe: Jorginho, Thomas Partey, Emile Smith Rowe, Fabio Vieira, Martin Odegaard, Declan Rice
Weerarka: Leandro Trossard, Kai Havertz, Gabriel Martinelli, Eddie Nketiah, Gabriel Jesus, Bukayo Saka, Reiss Nelson