Faahfaahin cusub ayaa kasoo korodhay heshiiska ay kooxda kubadda cagta Real Madrid la gaadhay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo si xor ah ay ugala soo wareegayso Paris Saint-Germain marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku.
Kylian Mbappe ayaa soo afjari doona hadal-hayntii ugu waqtiga dheerayd ee suuqa iyadoo laacibkan uu ka degi doono Santiago Bernabeu.
Axaddii ayaa taageereyaasha Paris Saint-Germain ay qalbi-furnaan kusii sagootiyeen inkasta oo ay u hadhsan yihiin dhawr ciyaarood oo kulanka ugu dambeeya ee macasalaamayntu uu noqon doono finalka French Cup ee ay Lyon la dheeli doonaan.
Mbappe ayaa ku biiraya Real Madrid saddex sannadood kaddib markii ay PSG diidday inay £188 milyan oo Gini kaga iibiso Real Madrid, sidoo kalena ay ka hor joogsadeen mar uu isku dayey inuu ku qasbo inay iibiyaan.
25 jirkan oo sannadkii 2017 ay PSG kaga soo iibsatay Monaco lacag dhan £165.7 milyan oo Gini, ayaa waxa uu tanaasul badan u sameeyey Real Madrid si uu u xaqiijiyo riyadiisii ahayd inuu u ciyaaro kooxdan.
Wariyaha ciyaaraha Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyey, in Kylian Mbappe uu Real Madrid u saxeexi doono heshiis shan sannadood ah oo uu mushaharkiisuna sannadkii noqon doono inta u dhaxaysa €15 milyan illaa €20 oo Euroi, laakiin uu sidoo kale ka helayo kooxdan lacag dhan €100 milyan oo Euro oo ah alcagta xaqal-saxeexa maadaama uu bilaash ugu soo wareegayo.
Lacagta xaqal-saxeexa ayaa ka hoosaysa intii markii hore la filayey oo ahayd illaa €120 milyan oo Euro.