Shan ciyaartoy oo Liverpool ah ayaa ka maqnaanaya kulanka horyaalka Premier League ee caawa ee Aston Villa ay martida u noqonayaan, sidoo kalena waxa laga walaacsan yahay xaaladda difaaca bidix ee reer Scotland ee Andy Robertson.
Tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaartoyda kooxdiisu ay maanta u safartay West Midlands oo ay caawa kula soo ciyaarayso Aston Villa, waxaana ciyaartan kaddib ay Reds isku diyaarin doonaa kulankii ugu dambeeyey ee lagu macasalaamaynayo Jurgen Klopp oo soo afjaraya sagaal sannadood oo uu laylinayey Anfield.
Xilli-ciyaareedkan oo ku adkaa Liverpool isla amrkaana ay waqti dambe ka baxeen tartankii ay ugu jireen horyaalka Premier League ayaa waxa ay bishii February ku guuleysatay Carabao Cup, laakiin libinta kale ee ay arkayaan ayaa ah inay dib ugu soo noqon doonaan tartanka Champions League ee ay ka maqnaayeen xilli-ciyaareedkan sii dhamaanaya.
Safarka ciyaartoyda Liverpool ee maanta, waxa aan qayb ka ahayn Diogo Jota oo aan kasoo kabannin dhaawac bishii hore gaadhay, Joel Matip, Thiago Alcantara,a Ben Doak iyo Bobby Clark oo dhamaantood dhaawacyo ah, laakiin waxa kale oo shaki la gelinayaa taam ahaanshaha Andy Robertson inkasta oo uu safarkan qayb ka ahaa.
Halkan kaga bogo xiddigaha Liverpool ee u safray West Midlands
Goolhayeyaal: Alisson, Caoimhin Kelleher, Adrian
Difaacyahanno: Andy Robertson, Conor Bradley, Ibrahima Konate, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Jarell Quansah, Kostas Tsimikas, Trent Alexander-Arnold
Khadka Dhexe: Dominik Szoboszlai, Alexis Mac Allister, Curtis Jones, Ryan Gravenberch, Harvey Elliott, James McConnell, Wataru Endo, Stefan Bajcetic
Weeraryahanno: Luis Diaz, Darwin Nunez, Mohamed Salah, Cody Gakpo, Jayden Danns