Kooxda kubbadda cagta Real Madrid way faraxsan tahay, waxaanay hadda sugaysaa hadalka kasoo yeedhi doona xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay saxaafaddu ogaatay waqtiga uu shaacinayo inuu rumaynayo riyadiisii ahayd inuu ka ciyaaro Santiago Bernabeu.
Los Blancos oo muddo dheer raadinaysay Kylian Mbappe, ayaa hadda qarka u saaran saxeexiisa, waxaana ay ku darsadeen qorshahooda xilli-ciyaareedka dambe.
Mbappe oo hore loogu yaqaano inuu si degdeg ah u beeniyo marka lala xidhiidhiyo Real Madrid oo uu xusi jiray in aanu wali go’aan gaadhin, ayaa markan ka gaabsaday, waxaana ay warbaahinta Faransiiska iyo khabiirka suuqa iibka ciyaaraha ee Fabrizio Romano ay isku raaceen inuu go’aansaday inuu ka tago PSG oo uu u wareego Real Madrid.
Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha Mario Contegana oo ka tirsan wargeyska The Athletic ee looga dambeeyo xogta ciyaaraha, Kylian Mbappe ayaa waxa uu maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonaa go’aankiisa oo noqon doona inuu soo afjarayo waayihiisii Parc des Princes.
25 jrikan ayaa la sheegay in Real Madrid ay siin doonto €60 milyan oo Euro oo kaash ah oo ah xaqal-saxeex marka uu heshiiska qalinka ku duugo, halka sannadkiina uu heli doono €15 milyan oo Euro oo mushahar ah.