Nin khabiir ku ah akhrinta dibnaha ayaa sheegay in Kyle Walker uu ugu hanjabay Neal Maupay inuu feer la suuxinayo ka dib markii uu ka hadlay caruurtiisa.
Labada ciyaaryahan ayaa isku dhacay intii ay socotay guushii soo laabashada aheyd ee ay Man City 3-1 kaga badisay Brentford.
Walke ayaa si aad ah u xanaaqay dhamaadkii ciyaarta isagoo u dacwooday garsoore Jarred Gillett iyo garsooraha afaraad Stuart Attwell.
Kabtanka Man City ayaa intii ay ciyaarta socotay waxay taageerayaasha ku aflagaadeynayeen inay kala tageen xaaskiisa Annie Kilner ka dib markii uu uureeyay gabar kale oo la yiraahdo Lauryn Goodman.
Dibne akhriye ayaa aaminsan in Maupay uu isna ku aflagaadeeyay xaqiiqdaas Kyle Walker taasoo keentay in daafaca midig uu si carro leh uga jawaab celiyo.
Jeremy Freeman oo ah khabiirka dibnaha akhriya ayaa u sheegay Daily Mail: “Kyle Walker waxa uu yiri: feer ayaan kugu suuxinayaa.
garsooraha oo soo dhexgalay ayaa ku yiri Walker: “Aamus”
Laakiin Walker ma uusan aamusin wuxuuna Maupay u tilmaamay tunnelka qolka labiska isagoo ku yiri ” halkaas igu sug”
Ka dib wuxuu la hadlay garsooraha isagoo yiri: “Garsoore wuxuu ka hadlay caruurteyda, waxa uu ku hadlay caruurteyda kaliya hal jeer ma ahan lakiin labo jeer.”
Maupay ayaa soo booday oo yiri: “Kama aanan hadlin.”
Garsoore Gillett ayaa labada ciyaaryahan ku yiri: “Aan xalino arintaan dhamaadka ciyaarta” ka dib wuxuu si gaar ah u la hadlay Maupay oo uu ku yiri: “Isdeji, i dhageyso ka feker waxa aad tiri.”
Maupay ayaa ku jawaabay: “Waa been, cadaalad ma ahan sidaan”