Horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa mar kale farraqi doona lacago badan oo uu kusoo jiidan doono ciyaartooyo waaweyn oo ka dheela horyaallada waddanka Yurub, si la mid ah xagaagii hore oo ay urursadeen ciyaartooyo waaweyn, sida Karim Benzema, Neymar, N’Golo Kante, Fabinho, Firmino, Sadio Mane, Riyad Mahrez, Cristiano Ronaldo oo kasii horreeyey iyo xiddigo kale.
Shirkadda PIF ee Sucuudiga u qaabbilsan maalgelinta dibedda oo gacanta ku haysa afarta kooxood ee Al-Ittihad, Al-Nasr, Al-Hilal iyo Al-Ahli, ayaa waxa sidoo kale ay lacago ku kabaysaa kooxaha kale ee doonaya inay ciyaartooyo waaweyn soo iibsadaan.
Sucuudiga oo doonaya in jiilashiisa da’yarta ah uu kusii jeediyo kubadda cagta, ayaa waxa mar kale ay dalkooda keenayaan xiddigo waaweyn, kuwaas oo ay ku jiraan khadka dhexe ee Manchester United ee Casemiro, Luka Modric oo Real Madrid ah iyo laaciin kale oo waaweyn.
Casemiro oo xilli-ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Manchester United oo canaan badan loo jeedinayo, Raphael Varane iyo Antony oo ay isku koox yihiin ayaa saddexdaba la sheegay in ay tegayaan Sucuudiga, iyadoo Sir Jim Ratcliffe uu doonayo inuu meesha ka saaro ciyaartooyo ay ku jiraan saddexdan ciyaartoy.
Goolhayaha Chelsea ay amaahda ugu dirtay Real Madrid ee Kepa Arrizabalaga, weeraryahanka Belgium ee ay Blues amaahda kusiisay AS Roma, Anthony Martial oo ay Manchester United xaqiijisay in aanay qandaraaska u kordhinayn, Miguel Almiron oo u dheela Newcastle United, Christian Eirksen oo Manchester United xor ka noqonaya iyo xiddiga Liverpool ee ay dhaawacyadu daashadeen ee Thiago Alcantara ayaa la sheegay in iyaguna ay tegayaan Sucuudiga.