Xiddiga reer France ee Kylian Mbappé ayaa hanjabaad culus usii diray kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund ka hor ciyaartooda lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Salaasada ka dhici doonta garoonka Parc des Princes.
Lugtii hore ee labada kooxood ayaa waxa guul 1-0 ah gaadhay Borussia Dortmund, laakiin Kylian Mbappé ayaa waxa uu saxaafadda u sheegay in ay hubaal tahay in ay garaaci doonaan Borussia Dortmund oo ay kooxdiisa PSG u gudbi doonto finalka Champions League, halkaasna ay ku sugi doonaan Real Madrid iyo Bayern Munich midkooda soo adkaada Arbacada.
Mbappe oo ka hadlayey xaflad ay shirkadda Nike soo abaabushay oo uu jimciyaddiisa KM Foundation lacag loogu ururinayay, ayaa waxa uu yidhi: “Angiu waxa aan mar walba sheegaa in Jimciyaddani ay muhiim ii tahay. Ma jirto meel aan jawaab kaga bixin karayo taakulada aan siiyo carruurta ka hor inta aanan dheelin kulanka muhiimka ah. Waxa ay ila tahay in loo baahan yahay in aan sidoo kale halkan ka diro farriin, waxa aan idiin sheegayaa in wax kasta oo dhaca Salaasadain ay hubaal tahay in aanu guuleysanayno.”
Waxa kale oo uu Kylian Mbappé ka hadlay cadaadis iyo culayska ay leedahay ciyaartaasi, waxaanu yidhi: “Waa caadi in uu cadaadis jiro sababtoo ah waxa loo socdaa finalka Champions League, waxaynu naqaanaa taariikhda tartankan, cadaadiskana waynu ka war haynaa laakiin annagu aad ayaanu u deggenahay. Waxa aanu haysanaa kalsooni iyo hubanti ah in aanu natiijada beddelayno oo aanu usoo baxayno finalka.”