Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa lagu soo warramayaa in uu jacayl xad-dhaaf ah u qaaday gabadh lagu magacaabo Laura Celia Valk, taas oo iyaduna ka aqbashay xidhiidhka jacaylka ee uu u bandhigtay.
20 jirkan oo Real Madrid kusoo biiray xagaagii, ayaa waddanka Spain ka bilaabay nolol cusub oo dhamaystiran oo uu ku ladhan yahay jacayl sabab u noqonaya in bandhiggiisa ciyaareed ee gudaha garoonka uu ku darsado bandhig jacayl.
Jude Bellingham oo xilli-ciyaareedkan u dhaliyey kooxdiisa 21 gool 10 kalena caawiye ka noqday, ayaa waxa gabadha uu jeclaaday ee Laura Celia Valk ay u dhalatay waddanka Netherlands, waana quruxlay saamayn badan ku leh baraha bulshada oo dharka xayaysiisa.
Laura oo ay shan sannadood ka weyn Jude Bellingham, ayaa waxa dhawr jeer la arkay iyadoo la socota Jude Bellingham iyaga oo dhawr jeer wada galay duullimaadyo ay ku tageen magaalada Amsterdam.
Wargeyska The Sun ayaa boggiisa hore ku daabacay sawirka Jude Bllingham iyo Laura Celia Valk oo wada socda, waxaana uu xusay in xidhiidhkooda jacayl uu meel fiican marayo.
Laura Celia Valk oo barteeda Instagram ay ku xidhan yihiin 370,000 qof ayaa waxa kale oo lagu sawiray iyadoo caasimadda Madrid ee kala cashaynaysa Jude Bellingham.