Halyeyga Chelsea ee John Terry ayaa rumaysan in aanay Arsenal ku guuleysan doonin horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedkan ee ay Gunners hoggaankiisa hayso, kaas oo ay afar dhibcood ku qabatay markii ay 5-0 ku garaacday Chelsea.
Manchester City ayaa haysata fursad ay laba dhibcood ku dhaafto Manchester City haddii ay soo badiso labada ciyaarood ee baaqiga u ah, halka Liverpool ay iyaduna dhibco ahaan la sinmi doonto Arsenal haddii ay ka badiso Everton.
John Terry oo goob-joog u ahaa burburkii ay Arsenal u geysatay Chelsea ayaa waxa uu sheegay in Manchester City ay tahay kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League isla markaana aanay awoodi doonin inay sii xajisato booska kaalinta koowaad ee ay sida ku-meelgaadhka ah ugu jirto.
“Manchester City kaalinta koowaad iyada ayaa noqon doonta. Ma aha inaynu samayno qiimayn indho la’aan ah.” Ayuu yidhi John Terry.
Terry ayaa waxa uu ku dooday in Arsenal aanay guulo ka heli doonin Tottenham iyo Manchester United oo kusoo aaddan, sidaa daraadeedna ay kaalinta labaad ama saddexaad ka geli doonaan horyaalka Premier League balse ay iska illoobaan inay ku guuleysanayaan horyaalka.