Waa ciyaar Super Sunday ah oo ay ku kulmayaan labada kooxood ee ugu taariikhda weyn horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League. Waa kulan xaasaasi ah oo natiijadiisu ay saamayn weyn ku yeelanayso horyaalka Premier League.
Liverpool ayaa Axadda waxa ay marti u noqon doontaa Manchester United oo bishii Hore kusoo garaacday 4-3 kana reebtay tartanka FA Cup, laakiin hadda la murugasan natiijo taas la mid ah oo Khamiistii ay u xambaarisay Chelsea oo waqti dambe ka takhalustay.
Manchester United oo ay aad usii liidanayso fursaddeeda kaalinta afraad, waxa ka go’an inay guuleysato si ay uga badbaaddo qalalaase iyo inay is-dhiibto oo ay ka quusato tartanka Champions League iyadoo ay toddoba ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Laakiin Liverpool ayaa muhiimadda u weyn uu u leeyahay kulankan oo u baahan inay guuleysato si ay usii xajisan karto hoggaanka horyaalka Premier League.
Premier League ayaa ciyaartan u go’aamiyey in la dheelo waqti aan looga baranin kulamada waaweyn ee lagu tilmaamo ‘Super Sunday’, waxaana loo go’aamiyey marka ay saacadda GMT tahay 3:30pm oo ku beegan 5:30m saacadda Geeska Afrika.
Waqtiga ciyaartan waxa uu hal saac kasoo horreeyaa xilligii loo qoondeeyey kulankan sababtoo ah waxa ciyaaraha adag la dheeli jiray 6:30pm, laakiin telefishanka Sky Sports ee iska leh xuquuqda baahinta ciyaartan ayaa go’aamiyey in waqtiga ciyaartu uu noqdo 5:30pm.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa ciyaartii hore ee Manchester United ee bishii December, waxa ay goolka toogatay 34 jeer waxayse ku guul-darraysatay inay shabaqa soo taabato, waxaanay ciyaartaasi ka mid tahay laba kulan oo kaliya oo Liverpool ay awoodi weyday inay ku badiso garoonkeeda xilli-ciyaareedkan oo dhan.