Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rumaysan in horyaalka Premier League uu noqon doono mid ay isku dheggenaan doonaan kooxaha Liverpool, Arsenal iyo Manchester City, isla markaana ay samayn doonaan toddobaad geli doona taariikhda oo laga xasuusnaan doono horyaalka Premier League.
Saddexdan kooxood ayaa isku dheggen iyadoo uu horyaalku galay toddobaadkii 31aad, isla markaana ay toddoba ciyaarood hadhsanaanayaan marka usbuucan ay kulamadu soo dhamaadaan.
Manchester City ayaa saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ku guuleysatay horyaalka Premier League waxaana xilli-ciyaareedkii ugu dambeeyey ay ku garaacday Arsenal oo waqti dambe duntay iyadoo 248 maalmood hoggaanka haysay.
City ayaa siddeedda ciyaarood ee ugu dambeeya waxa ay kala yihiin Crystal Palace oo ay maanta la dheelayaan, Luton Town, Brighton, Nottingham Forest, Wolves, Fulham, West Ham iyo Tottenham oo maalinta ugu dambaysa ay la ciyaari doonaan.
Liverpool, ayaa dhinaceeda waxa siddeedda ciyaarood ee u hadhsan ay yihiin Manchester United oo ay Axadda u tegayaan, Crystal Palace, Fulham, Everton, West Ham, Tottenham, Aston Villa iyo Wolves, halka Arsenal ay subuucan ku furanayso Brighton, sidoo kalena ay kooxaha sugaya ay ku jiraan Chelsea, Tottenham, Manchester United, Aston Villa iyo Everton.
Si kastaba ha ahaatee, Mikel Arteta oo la weydiiyey waqtiga la go’aamin doono horyaalka Premier League ayaa waxa uu sheegay inay noqonayso maalinta Axadda ee May 19, waxaanu yidhi: “Sidani waa heerka uu gaadhay horyaalka Premier League lix ama toddobadii sannadood ee ugu dambeeyey. Farqiga la kala horreeyo aad buu u yar yahay, waxaynu tirooyinka arki doonaa ciyaarta ugu dambaysa haddii koox walba ay heerkeeda sii waddo, fursadduna way fiican tahay.
“Annagu wali ma nihin kooxda ugu sarraysa horyaalka Premier League, waana in aanu ku dedaalno in aanu ku guuleysano kulamada noo hadhay, sidaas ayaa ah sida aanu ku heli karayno fursadda aanu ciyaarta ugu dambaysa ugu guuleysan karayno.”