Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka cadhootay garsooraha loo doortay inuu qabto ciyaarta semi-finalka Spanish Super Cup ee ay habeen dambe waajihi doonaan Atletico Madrid, taas oo ka dhici doonta magaalada Riyad ee waddanka Sucuudiga.
Los Blancos oo ay ciyaartoydeedu Isniintii u duuleen waddanka Sucuudiga, ayaa haddii ay kasoo adkaadaan Atletico Madrid waxa ay finalka Spanish Super Cup iskugu iman doonaan Barcelona iyo Osasuna oo Khamiista wada ciyaari doona midkooda soo gudba.
Finalka ayaa loo qorsheeyey maalinta Axadda ah ee toddobaadka dambe ee ay taariikhdu tahay January 14, halka Real Madrid iyo Atletico Madrid ay January 17 ku kulmi doonaan wareegga 16ka Copa del Rey oo isaguna hal ciyaar oo kaliya ah oo garoonka Wanda Metropolitano ay foodda isku dari doonaan.
Xidhiidhka garsooreyaasha Spain ayaa waxa ay ciyaarta Madrid Derby ee Spanish Super Cup u doorteen garsoore Alberola Rojas, waxaana markiiba arrintaas ka cadhootay Real Madrid sida uu sheegay telefishanka kooxda oo ku tilmaamay in ciyaartan loo dhiibay garsoore aan ku habboonayn.
Madrid ayaa waxa ay ka cadhaysan tahay sidii uu garsoore Alberola Rojas u maamulay ciyaartii ay Atletico Madrid 3-0 ku garaacday Real Madrid ee bishii September ee horyaalka LaLiga, taas oo ay warbaahinta Spain soo bandhigtay qaladaad badan oo uu sameeyey garsoorahani.