Kooxda kubadda cagta Real Madrid caadi uma ahayn inay ciyaarto Jimcaha, laakiin caawa ayaa ay la dheelid oontaa Real Sociedad oo ay marti u noqon doonto kaddib markii uu horyaalka LaLiga ka ogolaaday codsi ahaa in hore loogu soo dhigo kulankan.
Horyaalka waddanka Spain waxa ay kooxuhu dheelaan Sabtida ama Axadda oo waqtiga fiidka ah, si ay u helaan daawadeyaal badan, sababtoo ah waa maalmo ay fasax yihiin inta badan daawadeyaasha reer Galbeedku oo aanay shaqaynayn.
Kulamada la ciyaaro maalmaha Jimcuhu inta badan kuma jiraan baahinta telefishanka, waxaanay taasi ka hor imanaysaa danta kooxaha iyo telefishannada intaba maadaama ay dhaqaale ku waayayaan.
Real Madrid ayaa waxa ay dhowaan ka dalbatay horyaalka LaLiga in hal maalin hore loogu soo dhigo ciyaarta Real Sociedad oo hore loogu qorsheeyey Sabtida 27 April, waxaase hadda ay ciyaari doonaan Jimcaha caawa ee 26 February.
Sababta ayaa lagu sheegay inay tahay, in Real Madrid ay toddobaadkan la ciyaarayso Bayern Munich lugta hore ee wareegga semi-finalka Champions League oo ay waliba safar ku tegayso magaalada Munich.
Ciyaartan lasoo qaddimay ayaa waxa ay Real Madrid siinaysaa in ay 72 saacadood nastaan ka hor inta aanay u safrin Germany, waana sababta ay Los Blancos u dalbadeen in kulankan hore loogu soo dhigo.