Manchester United ayaa xaraashaysa oo suuqa dhigaysa 11 ciyaartoy oo muhiim ka ah kooxda koowaad, kuwaas oo uu Sir Jim Ratcliffe amray in laga diro kooxda oo uu xusay inay kaliya culays dhaqaale ku hayaan, balse heerka hoggaamintooda iyo guulaha ay keeni karayaan ay hooseeyaan.
Labada ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee Marcus Rashford iyo Harry Maguire ayaa safka hore kaga jira ciyaartoyda ay Manchester United xaraashays, waxaana sidoo kale ku wehelinaya kuwo ay qandaraasyadoodu dhamaad yihiin oo si xor ah ku baxaya.
Manchester United oo Axaddii rikoodheyaal dirqi ahaa kaga adkaatay kooxda yar ee Coventry City ayaa waxa ay finalka FA Cup ku waajihi doontaa Manchester City, waana fursadda kaliya ee ay koob ugu guuleysan karayaan xilli-ciyaareedkan.
Ratcliffe oo ay da’diisu tahay 71 jir oo horraantii sannadkan la wareegay maamulka kooxda iyo 25% mulkiyadda Manchester United ayaa waxa uu ku wargeliyey Jason Wilcox oo ah agaasimaha farsamada iyo Omar Berrada oo ah agaasimaha Fulinta iyo Dan Ashworth oo ay kaoso boobeen Newcastle oo ah agaasimaha ciyaaraha, inay meesha ka saaraan ciyaartoyda aan manfaca badan u lahayn kooxda ee ay waqtigan dhaqaalaha ka samayn karayaan haddii ay iibiyaan.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Manchester United waxa ay go’aamisay 11 ciyaartoy inay iska dirto xagaaga, waxaana ugu horreeya difaaca midig ee Aaron Wan-Bissaka oo sannadkii 2019 ay £50 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Crystal Palace.
10ka ciyaartoy ee kale ayaa ah Raphael Varane, Victor Lindelof, Harry Maguire, Casemiro, Sofyan Amrabat oo dib ugu noqon doona Fiorentina oo uu amaah kaga yimid, Christian Eriksen, Marcus Rashford, Antony, Jadon Sancho oo amaah ugu maqan Borussia Dortmund iyo Anthony Martial oo ay Man United go’aansatay in aanay dhaqan-gelinin sannad qandaraas ahaa oo dookh ahaa, isla markaana dhowaan shaaciyey inuu tegayo xagaaga.