Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa doonaysa inay la saxeexato weeraryahan lagu tilmaamay inuu ka wanaagsan yahay Erling Haaland iyo Mohamed Salah oo uu soo afjari doono dhibaatada Blues ka haysata afka hore ee gool-dhalinta oo ay ku dhibaatoonayaan xilli-ciyaareedkan.
Chelsea oo xilli-ciyaareedkan kaga jirta horyaalka Premier League kaalinta tobnaad, iyadoo xilli-ciyaareedkii horena ku dhamaysatay kaalinta 12aad, ayaa waxa ay ka wiiqan tahay afka hore, iyadoo Nicolas Jackson oo xagaagii ay la saxeexdeen uu ka maqnaanayo bisha January oo uu xulka qarankiisa Ivory Coast uga qayb-gelayo tartanka Qaramada Afrika.
Jackson oo u dhaliyey toddoba gool oo Premier League ah, ayaa waxa soo raaca Cole Palmer oo ah ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badan Blues, laakiin labadoodaba waxa loo arkaa in heerkooda gool-dhalintu uu ka hooseeyo heerkii ay Chelsea doonaysay.
Sida uu qoray wargeyska El Nacional ee kasoo baxa waddanka Spain, mulkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa doonaya inuu la saxeexdo weeraryahanka reer Ukraine ee Artem Dovbyk oo u ciyaara kooxda reer Spain ee Girona.
Wada-hadallo ayaa usbuucyadii tegay u socday Chelsea iyo Dovbyk sida uu wargeyska El Nacional sheegay, waxaanay doonayaan inay sida ugu dhakhsaha badan ula soo wareegaan.
Rikoodhka Artem Dovbyk ayaa ah mid cajiib ah oo ka sarreeya Erling Haaland iyo Mohamed Salah oo hoggaanka u haya gool-dhalinta horyaalka Premier League, waxaana 90 daqiiqadood oo kasta oo uu ciyaaray uu ku lug yeeshaa 1.3 gool (gool iyo dheeraad).
Kaliya Harry Kane, Denis Undav, Kylian Mbappe iyo Serhou Guirassy ayaa Yurub oo dhan ka wanaagsan Dovbyk marka la eego heerkiisa dhalinta goolasha, waxaana bishii December uu ku guuleystay xiddiga horyaalka LaLiga oo uu ku garaacay Jude Bellingham.
Sirta Girona ee ah in ay hoggaanka horyaalka LaLiga wada hayaan Real Madrid oo ay min 48 dhibcood leeyihiin, ayaa waxa lagu tilmaamay inuu yahay Dovbyk oo qiimihiisa lagu sheegay €40 milyan oo Euro.