Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa Arbacada waajihi doonta Fulham lugta hore ee wareegga semi-finalka Carabao Cup, waxaana ay ciyaartoodani imanaysaa iyaga oo wali lasii faraxsan guushii weynayd ee Axaddii ay kasoo gaadheen Arsenal oo ay ku garaaceen 2-0 kulan ka tirsanaa FA Cup oo ay Gunners ku reebeen.
Liverpool waxa ciyaartaas ka maqnaa dersin ciyaartooyo ah oo qaarkood dhaawac ahaayeen, kuwo xanuunsanayay, kuwo ganaax ahaa iyo kuwo ku maqnaa safar sida Mohamed Salah iyo Wataru Endo oo muddo bil iyo dheeraad ah ka maqnaanaya kooxdooda.
Jakub Kiwior ayaa madax iskaga dhaliyey kubad laad xor ahayd oo uu too tuuray Alexander-Arnold, halka Luis Diaz uu saxeexay goolka labaad ee ay Liverpool ku khaaraajisay Arsenal.
Laba maalmood kaddib, Liverpool ayaa kusoo laabanaysa garoomada, waxaana ay garoonka Anfield kusoo dhoweyn doonaan Fulham lugta hore ee wareegga semi-finlka Carabao Cup, waxaana haddii ay kasoo takhalusaan kooxda reer London ay finalka iskugu iman doonaan Chelsea iyo Middlesbrough midkooda soo guuleysta.
Haddaba, waa sidee xogta xiddigaha dhaawacyada iyo xanuunka kaga maqnaa Liverpool kulankii Arsenal?
Virgil van Dijk ayuu tababare Jurgen Klopp shaaciyey inuu xanuunsanayo oo aanu ciyaari karaynin kulankii Arsenal, waxaana lagaga tegay magaalada Liverpool oo uu gurigiisa kaga daawanayay ciyaartii Emirates Stadium, laakiin Klopp waxa uu xaqiijiyey in uu Van Dijk taam u noqon doono kulanka Fulham ee habeen dambe.
Laakiin difaacyahannada bidix ee Kostas Tsimikas iyo Andy Robertson oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaadheen garabka iyo kalxanta oo mid walba jabniin ahaa ayaa muddo kale sii maqnaan doona. Andy Robertson waxa la sugayaa in dhamaadka bishan January amaba horraanta February uu kusoo laabto kooxdiisa, halka Kostas Tsimikas uu dhamaadka February amaba horraanta March kusoo noqon doono kooxdiisa.
Xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai oo uu dhaawac muruqa ah kasoo gaadhay ciyaartii Newcastle United ee horyaalka Premier League, ayaa ka maqnaan doona ciyaarta Fulham ee Arbacada, laakiin waxa uu taam u noqon doonaa kulanka horyaalka Premier League ee Bournemouth ee January 21.
Thiago Alcantara oo ay garoomada ugu dambaysay ciyaartii West Ham ee bishii April ee sannadkii hore, ayaa la sugayaa inuu bishan January kusoo laabto garoomada, hase yeeshee labada da’yar ee Ben Doak iyo Stefan Bajcetic ayaan illaa hadda la garanayn waqtiga soo laabashadooda halka Joel Matip uu xilli-ciyaareedka oo dhan u jiifayo dhaawac jilibka ah.