Tababare Carlo Ancelotti waxa uu ciyaarta Girona ugu yeedhay wiil aan hore kooxda koowaad uga mid noqonin, waana Jacobo oo ka mid ah dheemanka kulliyadda da’yarta uu ku layliyo Alvaro Arbeloa, waxaana uu beddelay Nacho Ferandnez oo dhaawac ah.
Real Madrid oo ay dhaawacyo ka ragaadiyeen khadka dambe ee difaaca oo ay ka maqan yihiin David Alaba iyo Eder Militao oo waqti dheer jiifaya, isla markaana uu liiskooda ku biiray Nacho Fernandez ayaa waxa Ancelotti uu dib ugu noqday kooxda da’yarta oo uu hore uga soo qaatay Carillo iyo Marcell oo iyaguna dhaawacmay, halka Ribes oo isaguna da’yarta ah uu ganaaxan yahay. Dookha kaliya ee Real Madrid ay haysato ee ay uga yeedhanayso kooxda da’yarta, waxa uu noqday Jaco bo oo lagu tilmaamo ‘Qaysarka ‘Kaiser’ kooxda da’yarta’.
Jacobo Ramón waa 19 jir ku ciyaara lugta midigta oo uu dhererkiisu yahay 1.90 mitir. Waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee difaaca kooxda da’yarta, waxaana uu ciyaartoyda kale dheer yahay xawaaraha orodka ee aadka u sarreeya iyo dhererkiisa oo kubbadaha sare aanay cidina ku garaacin.
Waa markii labaad ee loogu yeedho kooxda koowaad, waxaana uga horreysay wareeggii group-yada Champions League oo uu ka mid noqday liiska kooxdiisa ciyaartii Napoli ay safarka ugu tageen Talyaaniga, balse kaydka ayuu ku dhamaystay.
Waxay Real Madrid kala soo wareegtay kooxda Las Rozas waxaana uu sameeyey korriin ciyaareed oo heersare ah illaa uu albaabka u garaacay xulka qaranka da’yarta, sidoo kalena uu laf-dhabar u noqday guushii taariikhiga ahaa ee xilli-ciyaareedkii hore ay gaadheen ciyaartoyda da’yarta Real Madrid oo ku wada guuleystay saddexlayda koobabka ah ee Champions League, Copa del Rey iyo horyaalka LaLiga ee da’yarta.
Jacobo Ramón waxa uu noqonayaa ciyaartoygii 13aad ee da’yarta u dheela ee uu tababare Carlo Ancelotti ugu yeedho kooxda koowaad, waxaana ka horreeyey Fran González, Cañizares, Piñeiro, Mario de Luis, Carrillo, Edgar Pujol, Vinicius Tobias, Mario Martín, Theo Zidane, Nico Paz, Gonzalo iyo Álvaro Rodríguez.
Si kastaba ha ahaatee, magaca laacibkan lagu naanayso ee ‘Kaiser’ ayaa waxa uu inna soo xasuusinayaa halyeygii kubadda cagta ee Carlos Henrique Raposo (Kaiser) oo u dhashay waddanka Brazil, una xidhan jiray No.7 iyo difaacii caanka ahaa ee xulka qaranka Germany iyo Bayern Munich ee Beckenbauer oo isagana lagu naanaysi jiray Der Kaiser, waana laacibka la sheegay inuu leeyahay qaab-ciyaareedkiisa. Macnaha magaca Kaiser waa ‘Boroq’.