Xidhiidhka garsooreyaasha Yurub ayaa shaaciyey xaakimka ay u doorteen in uu dhaxdhaxaadiyo kulanka Real Madrid iyo Machester City ee lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League.
Ciyaartan oo Salaasada ka dhici doonta garoonka Santiago Bernabeu ayaa waxa UEFA ay u dooratay inuu garsoore ka noqdo François Letexier oo u dhashay waddanka Faransiiska, kaas oo hore usoo qabtay kulamo ay kooxahani ciyaareen.
François Letexier ayaa ah garsoore ay ka weyn yihiin ciyaartooyo badan oo kulankan dheelaya, sidoo kalena waxa ay isku da’ yihiin qaarkood ruug-caddaayada Real Madrid, halka kuwo kale oo labada kooxood ahna ay waxyar isku jiraan da’ ahaan.
Lexexier ayaa waxa uu da’ ahaan ka yar yahay Luka Modric, waxaanay isku waqti dhasheen Toni Kroos oo ay min 34 sannadood jiraan, waxaana uu garsooreyaasha horyaalka Faransiiska ka mid ahaa tan iyo sannadkii 2016/
Xilli-ciyaareedkii 2021 ayaa waxa uu ahaa garsoorihii hayey finalkii FrencH Cup ee PSG iyo Monaco, waxaana uu sidoo kale u diiwaanshahan yahay UEFA iyo FIFA isaga oo soo qabtay Finalkii UEFA Super Cup ee Manchester City iyo Sevilla ee sannadkii 2023 iyo ciyaaraha caalamiga ah oo ay FIFA u dhiibtay.
Xilli-ciyaareedkan, waxa uu François Letexier soo qabtay ciyaartii Real Madrid iyo Napoli ee November 29 ee wareeggii groupyada Champions League, taas oo ay Real Madrid ku adkaatay 4-2.
Cyril Mugnier iyo Mehdri Rahmouni ayaa noqon doona labada calan-wade ee caawin doona François Letexier, halka garsooraha VAR loo doortay Jerome Brisard oo uu gacan-yare u noqonayo Willy Delajod.