Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha dhax-dhaxaadin doona kulanka semi-finalka Champions League ee lugta hore ee Salaasada ee Real Madrid iyo Bayern Munich oo ka dhici doona garoonka Allianz Arena.
Real Madrid ayaa waajihi doonta Bayern Munich oo garoonkeeda joogta, iyadoo ay labada kooxood kasoo kala badiyeen Manchester City iyo Arsenal oo lagubaduba ah kooxaha Ingiriiska ee xilli-ciyaareedkan ku tartamaya horyaalka Premier League.
UEFA ayaa ciyaartan u magacowday garsooraha Faransiiska ah ee Clement Turpin oo dhax-dhaxaadin doona ciyaartan adag oo labada naadiba ay mid walba ku dedaali doonto inay sii shaqaysato lugta hore.
Garsoore Clement Turpin ayaa fiidka hore iska xaadirin doona garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich, waxaana ay indhuhu ku jeedsan doonaan garoomadiisa inta ay socoto ciyaarta Bayern Munich iyo Real Madrid.
Clement Turpin ayaa ah garsoore ay jeceshay Real Madrid oo aanay marnaba guul-darro la kulmin lix ciyaarood oo Chamapions League ah oo uu usoo qabtay, waxaana ka mid ahayd finalkii 2021-22 e Liverpool ay goolka madiga ah ee uu dhaliyey Vinicius Junior ay kaga qaadeen koobka.
Xilli-ciyaareedkan ayuu Clement Turpin ahaa garsoorihii hayey ciyaartii wareegga group-yada ee ay Real Madrid 3-2 kaga soo adkaatay Napoli oo ay waliba ku booqatay waddanka Talyaaniga.
Halkan kaga bogo natiijooyinka kulamadii uu Clement Turpin usoo qabtay Real Madrid
-Real Madrid 4-0 Ludogorets (Wareeggii group-yada 2014/15)
–Roma 0-2 Real Madrid (Wareeggii group-yada 2018/19)
-Real Madrid 3-2 Inter (Wareeggii group-yada 2020/21)
-Chelsea 1-3 Real Madrid (Wareeggii sideedda 2021/22)
–Liverpool 0-1 Real Madrid (finalkii 2021/22)
-Napoli 2-3 Real Madrid (Wareeggii group-yada 2023/24)