Milkiilaha cusub ee Manchester United Sir Jim Ratcliffe ayaa lagu waramayaa inuu ansixiyay in dalab ka badan 100 milyan ginni lagula soo wareego da’ yar mucjiso ah xagaagan.
United ayaa si weyn u dooneysa inay xoojiso kooxdeeda iyagoo doonaya inay mar kale u tartamaan horyaalka Premier League.
Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegaya in United ay durba qorsheyneysa inay saxiix weyn sameyso iyagoo doonaya inay u jabiyaan rikoodhkooda suuqa kala iibsiga.
Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in Man United ay u dhaqaaqeyso inay Joao Neves kala soo wareegto kooxda Benfica.
19 jirka khadka dhexe Neves ayaa ah xiddig aad u tayo sareeya, waxaana uu durbaba u saftay xulka Portugal seddex kulan.
Neves wuxuu ka soo baxay akadeemiga Benfica, Neves wuxuu u ciyaaray kooxda Benfica 62 kulan isagoo u dhaliyay seddex gool. Waa burburiye khadka dhexe oo aad loola dhacay, waxaana loo arkaa bedelka saxda ah ee Casemiro.
Benfica waxay xiddigaan ku dooneysaa 150 milyan euro o u dhiganta 128 milyan ginni laakiin Man United ayaa ka dhaadhacsan in 100 milyan ginni ay ku soo xerogelin karaan taasoo jabin doonta rikoodhka saxiixoodii ugu qaalisanaa Paul Pogba oo ay ku iibsadeen 89 milyan ginni.
Bishii la soo dhaafay Ratcliffe ayaa la wareegay koontaroolka kooxda ka dib markii uu 1.3 bilyan ginni ku iibsaday 27.7 boqolkiiba saamiga kooxda.
Isbedelo waa weyn ayaa la filayaa inay ka dhacaan Old Trafford xagaagan, iyadoo ciyaartodya Man United ay shaki weyn ka qabaan in Erik ten Hag uu sii ahaan doono tababaraha kooxda.
United ayaa u magacowday Omar Berrada madaxooda guud, halka ay ku dhow yihiin in agaasimaha Newcastle Dan Ashworth ay u magacaabaan agaasimahooda cusub ee kubada cagta.
Waxa taas sii dheer inay wadahadal kula jiraan shirkada xogta uruurisa ee Ludonautics oo ka danbeysay saxiixyadii Liverpool ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Andrew Robertson.