Maamulka cusub ee Manchester United ee Sir Jim Ratcliffe oo ka mid ah mulkiileyaasha kooxda ayaa ansixiyey in Red Devils ay dalab £100 milyan oo Gini ah ka gudbiso 19 jirka khadka dhexe uga ciyaara Benfica ee Joao Neves oo u dhashay waddanka Portugal. (Mirror)
United waxay samayn doontaa wax kasta oo suurtogal ah oo ay ku helayso xiddiga reer England ee Harry Kane oo xagaagii ay lacag badan ku iibsatay Bayern Munich. 30 jirkan ayay Manchester United isku dayaysaa inay dib ugu soo celiso horyaalka Premier League. (GMS)
Liverpool waxay liiska gaaban ee tababareyaasha ay doonayso u xulatay Roberto de Zerbi oo Brighton layliya, Julian Nagelsmann oo ah macallinka xulka qaranka Germany iyo Ruben Amorim oo ah tababaraha Sporting Lisbon. Saddexdan midkood ayay doonayaan inuu u beddelo Jurgen Klopp. (Football Insider)
Khadka dhexe ee xulka Germany ee Joshua Kimmich oo lala xidhiidhinayo Manchester United, Man City iyo Liverpool ayaa xaqiijiyey in aanu wali wax wada-hadal ah la yeelanin naadigiisa Bayern Munich oo ay 18 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa. (90 min)
Arsenal waxa ay doonaysaa inay iibiso difaaca bidix ee Kieran Tierney xagaagan, waxaanay dalbanaysaa £20 milyan oo Gini. (GMS)
Chelsea wali g’aan kama aanay gaadhin mustaqbalka laacibka khadka dhexe ee Conor Gallagher oo 24 jir ah oo lala xidhiidhinayo Tottenham. (Caught Offside).
Chelsea waxa ay xaraashaysaa 15 ka mid ah ciyaartoydeeda marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga. (Football.London)
Manchester United waxa ay saddex jibbaar ka dhigaysaa mushaharka laacibka da’da yar ee KobbieMainoo oo 18 jir ah, iyadoo wax ka yar sannad laga joogo waqtigii uu saxeexay hehiis cusub oo kooxda kusii hayn doona illaa sannadkii 2030. (Sun)
AC Milan waxa ay wada-hadallo kula jirtaa Arsenal oo ay ka doonayso difaaca bidix ee Poland ee Jakub Kiwior oo 24 jir ah. (Fichajes)