Laacibkii hore ee Manchester United ee Jesse Lingard ayaa ugu dambayn helay koox uu u ciyaaro kaddib lix bilood oo uu shaqo la’aan ahaa, waxaana uu qandaraas u saxeexay koox ka dhisan waddanka South Korea.
Lingard oo ka tegay Old Trafford dhamaadka xilli-ciyaareedkii 2021/22, ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkii tegay u dheelayay Nottingham Forest oo markii ay fasaxdayna ay koox la’aan ku dhacday.
Waqtigiisii Manchester United ayaa waxa uu Lingard u saftay 232 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 35 gool, isaga oo sannadkii 2016 dhaliyey goolkii guusha ee finalka FA Cup ee ay Crystal Palace koobka kaga qaadeen.
31 jirkan oo lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin West Ham iyo Al-Ettifaq ayaa waxa uu ugu dambayntii ka degay waddanka South Korea oo uu heshiis u saxeexay naadiga FC Seoul, taas oo sida ay wararku sheegayaan uu sannadkii mushahar uga qaadan doono lacag dhan $1.15 milyan oo dollarka Maraykanka ah.
Jesse Lingard ayaa noqon doona ciyaartoygii toddobaad ee Ingiriis ah ee ka ciyaara horyaalka K League ee South Korea, waxaana ka horreeyey Jordan Mutch, Richard Offiong, Chris Marsden, Andy Cooke, Jamie Cureton iyo Dalian Atkinson.
FC Seoul ayaa xilli-ciyaareedkeeda cusub waxa ay ku furan doontaa Gwangiu FC oo ay March 2 la dheeli doonaan.