Xulka qaranka Qatar ayaa iska xaadiriyey finalka tartanka qaramada Asia, kaddib markii ay 3-2 kaga adkaadeen Iran oo ay isla rafaadeen, isla markaana dhamaadkii uu nasiibku ka joojiyey kubbado halis ahaa oo xataa goolhayaha ay dhaafiyeen.
Wiilka Soomaaliyeed ee Akram Cafiif ayaa guusha xulka qaranka Qatar sabab u ahaa, isaga oo burburiyey difaaca Iran isla markaana ka dhaliyey gool, mid kale caawiyey, sidoo kalena sababay casaan lagu saaray laf-dhabarta difaaca Iran ee Khalilazadeh.
Iran ayaa gool degdeg ahaa kaga nixisay Qatar daqiiqaddii 4aad, kaas oo uu xulka Faarisiyiinta u saxeexay Azmoun, hase yeeshee laba gool oo daran-doorri ah ayay ku jawaabtay Qatar.
Kubbad uu farsameeyey Akram Afif ayaa uu waxa uu u dhiibay Jassem Gaber oo dhamaystiray, ciyaartana ka dhigay 1-1, taas oo si weyn usoo noolaysay taageereyaasha martida loo ahaa ee Qatar ee aamusnida lagu qasbay waqtiga hore.
Dhamaadka qaybta hore oo ay ka hadhsan tahay laba daqiiqadood ayuu Akram Afif muujiyey inuu yahay xiddiga xulka Qatar iyo xiddiga ciyaarta intaba, waxaana uu dhaliyey goolka labaad ee Qatar isagoo ciyaartana ka dhigay 2-1.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayaa Iran loo dhigay rikoodhe looga soo daawaday VAR oo caddaysay in kubbadu ay gacanta kaga dhacday difaaca midig ee Ahmed Fathy, waxaana rikoodhaha gool u beddelay Jahanbakhsh oo toogtay badhtamaha goolka iyadoo goolhaye Meshaal Barsham uu isku tuuray dhinaca midig.
Qatar ayaa dib usoo ceshatay hoggaanka daqiiqaddii 82aad, markaas oo uu gool saddexaad u dhaliyey Ali Almoez, waxaana goolkan oo laga soo hubiyey VAR ay caddaysay in aanu ku jirin wax offside ah oo uu sax ahaa.
Ciyaartan oo lagu daray 13 daqiiqadood laakiin sii socotay illaa daqiiqaddii 117aad, ayaa waxa ay Iran heshay fursado badan oo ay ka faa’iidaysan weyday iyadoo birta garaacay garsooraha oo afka ku haya siidhiga dhamaadka.
Finalka koobka Qaramada Asia ayaa waxa wada dheeli doona Jordan iyo Qatar maalinta Sabtida ah ee January 10.