Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xalay ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga xilli-ciyaareedkan 2023/24, laakiin ma heli doonaan lacag toos ah oo weyn oo lagu siin doono horyaalka ay ku guuleysteen.
Real Madrid oo ay u tahay markii 36aad ee ay ku guuleysato horyaalka LaLiga ayaa inkasta oo aanay lacago buuran ku heli doonin horyaalka ay ku guuleysteen, haddana waxa ay uu sababi doonaa inay dhaqaale ka helaan meelo kale, si ay buugaagtooda xisaabtu u dheellitiranto.
Nidaamka uu ku shaqeeyo horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, ayaa ah in lacagta la siinayo kooxuhu ay ka timaaddo telefishannada baahinaya ciyaaraha horyaalka, waxaana saamiga ay kooxdu ku yeelanayso ay ku xidhan tahay halka ay ka gasho miiska kala-sarraynta, iyadoo kooxda horyaalka qaaddaa ay ugu badsan doonto.
Kooxda horyaalka ku guuleysata, waxa la siiyaa 17% lacagta ka timaadda baahinta telefishannada ee horyaalka Spain, halka kooxda kaalinta labaad ku dhamaysataana ay hesho 15% iyo kaalinta saddexaad oo loo qoondeeyey in ay lacagtaas yeelato 13%.
Xilli-ciyaareedkii hore ee 2022/23 ee ay Barcelona ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, ayaa waxa uu horyaalka Spain saxeexay heshiis shan sannadood ah oo dhigaya in kooxaha loo qaybiyo lacag dhan €313 milyan oo Euro oo qaybinteedu ku sallaysnaan doonto halka ay koox walba ka gasho miiska kala-sarraynta ee xilli-ciyaareedku marka uu dhamaado.
Arrintan ayaa ka dhigan, in kooxda horyaalka ku guuleysata la siinayo €53.3 milyan oo Euro oo ka imanaysa baahinta telefishannada, laakiin dhamaan lacagtan ayaa shan sannadood marba in loosii deyn doonaa. Usbuucyada soo socda, waxa Real Madrid la siin doonaa jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan €18.6 milyan oo Euro.