Xiddiga reer England ee Marcus Rashford ayaa magacaabay ciyaartoyga ugu fiican horyaalka waddanka Ingiriiska waqtigan, waxaana uu ka badheedhay in uu farta ku fiiqo laacib u dheela koox ay xafiiltamaan halka uu indhaha ka leexiyey ciyaartoyda Manchester United ee uu waqtigu ku adag tahay.
26 jirkan oo xilli-ciyaareedkan ku jira xaalad adag, balse fasalkii hore uu u ahaa midkiisii ugu fiicnaa oo uu dhaliyey 30 gool oo dhamaan tartamada ah ayaa warbaahinta hor yimid isaga oo la sheegayo in kooxdiisu ay iibin doonto marka uu furmo suuqa iibak ciyaartoyda ee xagaaga.
Marcus Rashford oo la weydiiyey su’aalo musalsal ahaa oo ay ku jirtay ciyaartoyga uu ku aamini lahaa rikoodhaha ugu dambeeye ee naftiisa lagu badbaadinayo oo uu u xushay Cristiano Ronaldo, ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in garoonka Barcelona ee Camp Nou uu yahay garoonka uu ugu jeclaan lahaa in uu kusoo ciyaaro kulamada ay martida tahay kooxdiisu.
Waxa kale oo Marcus Rashford la weydiiyey saaxiibkiisii ugu fiicnaa ee qolka labbiska amaba ciyaartoyga uu ugu jeclaan lahaa in ay qolka labbiska wadaagaan, waxaana uu u doortay halyeyga reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovich oo ay muddo kooban u wada ciyaareen Manchester United.
Su’aasha ugu xaasaasisanayd ee la weydiiyey Marcus Rashford ayaa waxa ay ahayd ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, waxaanu ku jawaabay; “Ciyaartoyga ugu wanaagsan Premier League waqtigan sow ma aha? Sannadkii hore waxa uu ahaa Haaland, laakiin afar ama shantii sannadood ee ugu dambeeyey waxa 100% ugu fiicnaa De Bruyne.”