Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kusoo laabatay tubta guusha kaddib usbuucyo ay dhibaatoonaysay oo ay iskugu xig-xigeen guul-darrooyin waaweyn, waxaana ay culayska iskaga dejiyeen Osasuna oo ay guul cidhiidhi ah ka gaadheen.
Gool madi ah oo uu u dhaliyey saxeexa cusub ee Vitor Roque ayaa Barcelona siiyey saddex dhibcood oo ay aad ugu baahnaayeen, waxaanay toddoba dhibcood usoo jirsadeen Real Madrid oo hoggaanka horyaalka LaLiga haysa isla markaana Khamiista ciyaari doonta kulankeeda usbuuca.
Barcelona oo si fiican ku bilaabatay qaybtii hore, ayaa waxa ay 1-0 kaga adkaatay Osasuna oo 10 ciyaartoy ku dheelaysay inta badan ciyaarta, isla markaana dhamaadkii ku dhowaaqtay inay keento goolka barbarraha.
Saddex daqiiqadood oo kaliya markii ay ciyaartu socotay ayay Barcelona niyad-jab iskugu soo ururtay goob uu fadhiistay weeraryahanka reer Spain ee Ferran Torres oo dhaawacmay, waxaana booskiisa yimid Fermin Lopez oo bandhig fiican sameeyey, laakiin haddana beddel lagu sameeyey uu noqday horseedka guusha.
Qaybta hore ayay Barcelona iska lumisay dhawr fursadood oo muhiim ahaa iyadoo difaaca reer France ee Jules Kounde uu madax la seegay goolka oo uu shabaqa dusha kaga dhuftay, halka Robert Lewandowski oo uu waqti ku adag yahay uu offside dhax fadhiisanayay marka uu isku dayo inuu kubadda u baxo.
Vitor Roque ayaa soo galay garoonka daqiiqaddii 62aad, waxaana daqiiqad kaliya markii uu garoonka ku jiray uu madax ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Joao Cancelo, waxaana uu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa.
Lamine Yamal ayaa lumiyey fursad kale oo dahabi ahayd halka Cancelo laga badbaadiyey kubbad uu goolka la hortegay.
Taageereyaasha Barcelona ayaa naxdin la gariiray markii uu Raul Garcia kubbad kula baxay goolkooda, waxaana uu dhinaca midig ka dhigay goolhaye Inaki Pena, waxaana ay ku dhacday birta iyadoo garoonka ka baxday.
Ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ayaa Barcelona ku ahaa saacado sababtoo ah waxa ku socday weerar culus iyaga oo ka hor intii aan la yeedhinin siidhiga dhamaadka laynka goolkooda kasoo celiyey kubadda.
Osasuna ayaa ku ciyaarayay 10 ciyaartoy wixii ka dambeeyey 67aad, iyadoo Robert Lewandowski laga diiday gool uu dhaliyey oo offside ahaa.