Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xasuuq arxan-darro ah kula kacday Chelsea oo ay dhax jiid-jiidday garoonka Anfield, iyadoo nus dersin goolal ah u qaybisay labadii qaybood ee ciyaarta.
Kulan si weyn loo sugayay oo saamayn ku yeelanayay miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, ayaa waxa awooddeeda kusoo bandhigtay Liverpool oo ka cadhaysnayd in ciyaartii furitaanka ee horyaalka ay Blues barbarro goolal la’aan ahaa ku qabatay.
Afar gool oo ay qaybsadeen Diogo Jota, Conor Bradley, Dominik Szoboszlai iyo Luis Diaz ayaa Liverpool siiyey fursad ay mar kale kusii dheeraystaan hoggaanka horyaalka Premier League oo ay shan dhibcood oo nadiif ah ka horreeyaan kooxaha kusoo xiga ee Man City iyo Arsenal, iyadoo waliba uu rikoodhe khasaariyey Darwin Nunez oo ay nasiib-darro ku dhacday ciyaartan.
Xiddig lama filaan ah ayaa ciyaarta wacdaro ka dhigay oo waqti horeba meel dhigtay abaal-marinta xiddiga ciyaarta, kaas oo tababare Jurgen Klopp ku keenaya madax xanuun ah in uu uga baahan yahay boos joogto ah, waana da’yarka Conor Bradley oo laba gool dhaliyey laba kalena caawiye ka ahaa.
Daqiiqaddii 23aad ayay Liverpool hoggaanka ku qabatay kubbad uu Conor Bradley usoo tuuray Diogo Jota oo isaguna orod kula sii dhaafay difaaca, taas oo uu lasoo gaadhay goolka hortiisa kaddibna weydaariyey goolhaye Petrovic, sidaasna hoggaanka ugu dhiibay naadigiisa.
Lix daqiiqadood ka hor inta aan loo bixin waqtiga nasashada ayay Liverpool hoggaanka sii dheeraysatay oo ay keentay gool labaad oo uu u dhaliyey Conor Bradley oo ahaa xiddiga bururiyey difaaca Chelsea ee Disasi ee sida fudud kubbadaha dhinaciisa ugala soo gelayay, isla markaana xiijiyey Ben Chilwell oo waqti horeba kaadh qaatay.
Liverpool ayaa loo dhigay rikoodhe waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, kaddib markii lugta lagaga istaagay Diogo Jota, waxaana kubadda qaatay Darwin Nunez oo dhinaca kale u diray goolhaye Petrovic, laakiin nasiib-darro kubadda ayaa kaga dhacday birta.
Waqtiga nasashada ayay labada kooxood u baxeen iyadoo Liverpool culays badan ku haysa goolka Chelsea oo doonaysa inay goolka saddexaad keento, waxaana Jurgen Klopp iyo wiilashiisu ay intii nasiimada lagu jiray soo naqshadeeyeen xeeladda ay kusii ciijinayaan Blues.
Bradley ayaa kubbad dhinaca midig kasoo qaaday oo madax u saaray Dominik Szoboszlai oo shabaqa ku hubsaday kubadda oo uu madaxa la haleelay, waxaanay ciyaartu noqotay 3-0 daqiiqaddii 65aad.
Tababare Mauricio Pochettino ayaa beddel ku keenay laacibka dhaawaca kasoo kacay ee Christopher Nkunku oo gool qurux badan u keenay Blues daqiiqaddii 71aad, laakiin Liverpool ayaa u muuqatay inay cadho ka qaadday goolka laga dhaliyey.
Darwin Nunez ayaa kubbad uu kala soo dheereeyey difaaca oo uu garabka bidix kala yimid, waxa uu goolka hortiisa usoo dhigay Luis Diaz oo shabaqa ku leexiyey, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 4-1.
Jurgen Klopp ayaa murugooday oo madaxa qabsaday markii uu arkay Mac Allister oo dhulka jiifa oo ay dhakhaatiirtu kusii yaacayaan dhinaciisa si ay u daaweeyaan, laakiin laacibka reer Argentina ayaa awooday inuu sii wato ciyaarta.
Liverpool ayaa waxay guushu ku raacday 4-1, waxaanay natiijadani ka dhigan tahay in Reds ay haysato 51 dhibcood, waxaanay shan dhibcood ka horreysaa Man City iyo Arsenal oo haysta min 46 dhibcood.