Mikel Arteta ayaa rajaynaya inuu dib usoo dhoweyn doono tiro xiddigo ka maqnaa Arsenal ka hor ciyaarta maanta ee horyaalka Premier League ee Burnley, iyadoo ciyaartooyo dhawr ahaa ay dib ugu soo laabteen.
Gunners oo lix dhibcood iyo sagaal gool heshay labadii ciyaarood ee Liverpool iyo West Ham, ayaa waxa ay maanta marti u noqonaysaa Burnley, iyadoo ay dib ugu soo laabanayaan Emile Smith Rowe iyo Takehiro Tomiyasu oo si lama filaan ah uga maqnaaday ciyaartii usbuucii hore ee London Stadium ee West Ham ay xasuuqa usoo geysteen. Waxa kale oo beddel aan la isticmaalin ahaa Jorginho oo dhaawac fudud uu soo aadhay, halka Thomas Partey iyo Gabriel Jesus ay iyaguna garoomada ka maqnaayeen in muddo ah, gaar ahaan Jesus oo kulamadii Liverpool iyo West Ham u jiifay dhaawac.
Saxeexa cusub ee Jurrien Timber oo muddo dheer ka maqnaa kooxda ayaan wali usoo dhoweyn, laakiin Takheiro Tomiyasu, Oleksandr Zinchenko iyo Fabio Vieira ayaa dhamaantood taam u noqday kulanka Burnley.
Halkan kaga bogo xiddigaha ka dhaawacan Arsenal iyo waqtiga ay soo noqonayaan
Fabio Vieira: Ciyaarta Porto ee Arbacada February 21 ayuu soo noqonayaa
Takehiro Tomiyasu: Ciyaarta Burnley ayuu soo noqonayaa
Jorginho: Ciyaarta Burnley ayuu soo noqonayaa
Thomas Partey: Bisha March ayuu soo noqonayaa
Oleksandr Zinchenko: Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo
Gabriel Jesus: Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo
Emile Smith Rowe: Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo
Jurrien Timber: Lama garanayo waqtiga uu soo laabanayo