Chelsea waxay doonaysaa weeraryahanka Brentford iyo xulka qaranka England ee Ivan Toney oo 27 jir ah, kaas oo hore bartilmaameed ugu ahaa Arsenal. Waxa kale oo Blues u calaamadsan Evan Ferguson oo 19 jir ah oo u dheela Republic of Ireland iyo kooxda Brighton iyo Weeraryahanka Nigeria iyo Napoli ee Victor Osimham oo ah 25 jir ah ay sidoo kale doonayso Paris Saint-Germain. (Standard)
Paris Saint-Gerain waxay doonaysaa weeraryahanka xulka qaranka Argentina iyo kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez oo 26 jir ah, garabka weerarka AC Milan ee Rafael Leao oo 24 jir ah iyo Victor Osimhem oo 24 jir ah si ay u buuxiyaan booska uu bannaynayo Kylian Mbappe oo ka tegaya xagaaga. (La Gazzetta dello Sport)
PSG waxa kale oo ay diiraddu u saaran tahay khadka dhexe ee kooxda Newcastle iyo xulka Brazil ee Bruno Guimaraes oo 26 jir ah iyo xiddia Man City iyo Portugal ee Bernardo Silva oo 29 jir ah. (L’Equipe)
Liverpool ayaa xiisaynaysa xiddiga kooxda Leeds United ee Arshie Gray oo u dhashay waddanka Ingiriiska oo ka dheela khadka dhexe. 17 jirkan ayaa la sheegay in Leeds United ay diyaar u tahay inay iibiso. (Football Insider)
Wolves ayaa go’aamisay qiimaha bartilmaameedka Arsenal ee Pedro Neto, waxaana lagu heli karayaa £60 milyan oo Gini, kaas oo sidoo kale ay xiisaynayaan Tottenham iyo Liverpool. (Standard)
Khadka dhexe ee kooxda Sao Paulo ee Pablo Maia oo ah 22 jir u dhashay waddanka Brazil ayaa doonaya inuu tago horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, iyadoo ay xiisaynayaan kooxaha Arsenal, West Ham iyo Fulham. (Mail)
Weeraryahankii hore ee Liverpool iyo Barcelona ee Luis Suarez oo 37 jir ah ayaa sheegay in kooxdiisa horyaalka waddanka Maraykanka ee Inter Miami ay noqon doonto kooxdii ugu dambaysay ee uu u ciyaaro, waxaanu kusoo gunaanadi doonaa waayihiisa ciyaareed. (AS)