Jurgen Klopp ayaa ku adkaystay in Liverpool ay ahayd in loo dhigo rigoor dhamaadkii ciyaartii barbaraha 1-1 ay la galeen Manchester City.
Kulankii Anfield oo ahaa mid xiiso badan ayaa ku dhamaaday barbaro 1-1 ah taasoo ka dhigeysa tartanka horyaalka mid xiiso badan iyadoo1 0 kulan ay ka harsan tahay.
City ayaa si dardar leh ku bilaabatay ciyaartay, waxaana ay hogaanka u qabteen markii uu John Stones uu shabaqa ku hubsaday kubad koorno aheyd oo uu si caqli badan u soo qaaday Kevin De Bruyne.
Liverpool ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta u muuqatay koox ka duwan sidii hore, Alexis Mac Allister ayaana gool ku laad u dhaliyay oo barbareeyay ka dib markii goolhaye Ederson uu qalad ku galay Darwin Nunez.
Liverpool ayaa ciyaarta inteeda badan awood ku heysatay laakiin waa ay awoodi waayeen inay helaan gool labaad, inkastoo Klopp uu ku dooday in kooxdiisa guusha laga hor istaagay madaama rigoore cad laga diiday dhamaadkii ciyaarta.
Jeremy Doku ayaa cagtiisa xabadka ka geliyay Mac Allister oo xerada ganaaxa ku jira, laakiin VAR ayaa diiday rigoorada iyagoo ku raacay go’aankii hore ee garsoore Michael Oliver.
Isagoo la hadlayay Sky Sports ciyaarta ka dib, tababaraha Liverpool ayaa ka hadlay sida uu uga careysan yahay go’aanka looga diiday rigoorada.
Markii la weydiiyay sababta aysan VAR ugu sheegin garsooraha inuu bedelo go’aankiisa, Klopp ayaa yiri: “Miyaysan VAR meesha u joogin inay go’aanka saxda ah sameyso oo aysan ka fekerin natiijada?
“Qaladkaan haddii uu ka dhici lahaa meel kale oo garoonka ah, boqolkiiba 100 wuxuu la dhigi lahaa qalad. Boqolkiiba boqol qalad ayaa la dhigi lahaa, waxaana la siin lahaa kaadh jaale ah.
“Kubada wuu taabtay, laakiin sida kaliya ee uu kubada ku taabtay waxay aheyd inay cagtiisa xabadka Mac Allister ku jirtay, haddii uusan kubada taaban laheyn, wuu dili lahaa.
“Dadka kubada yaqaana ee dunida ku nool oo dhan rigoore ayay u aheyd.
“Haddii aad moodeyso inaysan rigoore aheyn, markaas ma tihid qof kubada wax ka yaqaana.”