Garsoorihii hore ee Premier League Mark Clattenburg ayaa ku raacay tababaraha Liverpool in Reds laga diiday rigoore cad waqtigii dhimashada ciyaarta kulankii barbaraha 1-1 ku dhamaaday ee Liverpool & Man City.
Iyadoo ciyaarta ay gabagabo ku dhow dahay, Jeremy Doku ayaa kubad sarre kula xafiiltamay Mac Allister oo xerada ganaaxa ku dhex jira, wuxuuna cagtiisa xabadka ka geliyay xiddiga khadka dhexe ee Liverpool iyadoo garsooraha uu ciyaarta sii waday halka VAR ay ku raacday go’aanka garsooraha.
Clattenburg ayaa sheegay in qaladka ugu weyn uu leeyahay garsooraha VAR Stuart Attwell oo shaqadiisa ay aheyd inuu tilmaamo wixii uu arki waayo garsooraha dhexe.
“Liverpool in rigoore loo dhigo waqtigii dhimashada ee ciyaartii Manchester City ayay aheyd, laakiin dhibaatada Premier League heysata waqtigaan ayaa ah in garsoorayaasha dhexe ay qaladaad sameynayaan islamarkaana aysan wax caawimaad ah ka heleynin kuwa VAR.” ayuu Clattenburg ku qoray wargeyska Daily Mail.
“Kubada waxay aheyd mid kacsan. Alexis Mac Allister wuxuu u dhaqaaqay dhanka kubada. Jeremy Doku cagtiisa waxay aheyd mid sarre. Waxaana uu cagtiisa xabadka ka geliyay Mac Allister. Haddii qaladkaan uu ka dhici lahaa meel ka baxsan xerada ganaaxa waxaa la dhigi lahaa laad xor ah.
“In qaladka uu ka dhacay xerada ganaaxa durbadiiba kama dhigeyso in wax qalad ah uusan dhicin, iyadoo Mac Allister uu subaxa Isniinta ku soo kacayo iyadoo xabadkiisa uu ka muuqdo kabta Doku.
“Si kasta oo ay ciyaarta u tahay mid weyn iyo xaqiiqda ah in qaladka uu dhacay daqiiqadii 98aad, waxay tani aheyd rigoore cad.
“Garsoore Michael Oliver ma uusan arki waqtigii uu qaladka dhacay laakiin waxay aheyd inuu saxo garsooraha VAR Stuart Attwell.”