Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey in ay ganaax ku rideen xiddiga reer Argentine ee Emiliano Martinez oo ah goolhayaha Aston Villa, kaas oo laba kaadh oo huruud ah qaatay ciyaartii Lille ee UEFA Conference League ee Lille, balse aan garoonka laga saarin oo uu sii watay ciyaarta.
Garsooraha ciyaartaas ayaa inkasta oo laba kaadh ah oo huruud ah siiyey Emiliano Martinez, waxa uu haddana u ogolaaday inuu kooxdiisa u galo goolka waqtigii rikoodheyaasha taas oo uu ku hoggaamiyey guul isaga oo laba ciyaartoy oo Lille ah ka qabtay kubadda.
Doodo badan ayaa ka dhashay go’aanka garsooraha, waxaanay dadka intooda badan isku raacsanaayeen in labada kaadh ee digniinta ah ay ka dhigan yihiin casaan oo ay ahayd in Emiliano Martinez uu garoonka ka baxo, laakiin waxa la adeegsaday sharci qariib ah oo dhigaya, in ciyaartoyga kaadh la siiyo waqtiga rikoodheyaasha aan loo xisaabinaynin kaadhkii uu hore usoo qaatay waqtigii ay ciyaarta caadiga ah socotay.
Si kastaba ha ahaatee, Emiliano Martinez oo lagu eedeeyey inuu waqti lumin sameeyey, ayaa waxa ay UEFA shaacisay in ay ka ganaaxday ciyaarta lugta hore ee wareegga semi-finalka UEFA Conference League ee ay kooxdiisu la dheeli doonto Olympiacos.