Difaaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa shaaciyey go’aanka mustaqbalkiisa kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ay doonayso kooxda reer Spain ee Real Madrid.
Trent Alexander-Arnold oo qandaraaskiisa Liverpool uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay ayaa waxa uu xor ka noqon doionaa kooxdiisa sannadka 2025, illaa haddana ma jiraan wax wada-hadallo ah oo ay Liverpool la bilowday laacibkan.
Hubanti la’aanta mustaqbalka ee Trent Alexander-Arnold ayaa fursad u noqotay Real Madrid oo la sheegay in ay 70 milyan oo Gini u diyaarsatay sidii ay kusoo xero-gelin lahayd marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda.
Wararka qaarkood ayaa sheegaya, in Trent Alexander-Arnold uu ka doonayo kooxdiisa Liverpool in ay ka dhigto ciyaartoyga ugu mushaharka badan guud ahaan ciyaartoyda kooxda, si uu usii joogo Anfield.
Si kastaba ha ahaatee, waraysi uu mar hore siiyey wargeyska The Times ayuu kaga sii hadlay mustaqbalkiisa, waxaana uu ugu damaanad-qaaday naadigiisa in aanay marnaba ka walwalin oo uu cimrigiisa joogi doono.
Trent Alexander-Arnold ayaa yidhi: “Ma jirayso koox aan ahayn Liverpool oo aan u ciyaarayo. Waxa aan dooinayaa in aan Liverpool joogo cimrigayga oo dhan. Riyadaydu waa sidaas.”