Real Madrid ayaa ka cadhootay hadal kasoo yeedhay halyeyga reer France ee Kylian Mbappe, waxaanay u turjumatay inuu yahay dagaal uu laacibkan hore kusoo qaaday oo ay tahay in ay iska difaacaan.
Thierry Henry oo ka fikiraya maslaxadda waddankiisa iyo sidii ay guulo ku gaadhi lahaayeen, ayaa waxa uu xidhiidhka kubadda cagta dalkiisa u tilmaamay sida ay guul uga keeni karayaan ciyaaraha olombikada ee Paris ee xagaaga, isaga oo tilmaamay magacyada xiddigaha ay tahay in loogu yeedho.
Laakiin Los Blancos ayaa ka gubatay in Henry uu soo hadal-qaaday ciyaartoydeeda, sida Aurelein Tchouaemni, erland Mendy, Eduardo Camavinga iyo xataa Kylian Mbappe oo la filayo in xagaaga uu si xor ah ugu wareego Real Madrid.
Henry oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay tahay in xidhiidhka kubadda cagta Faransiisku uu sameeyo wax kasta oo karaankiisa ah, isla markaana ay dedaal badan ku bixiyaan sidii ay xiddigaha guulaha u keeni karaya ugu xulan lahaayeen ciyaaraha Olombikada.”
Kooxaha ay ka mid tahay Real Madrid ayuu sidoo kale ugu baaqay in aanay ciyaartoydooda ka hor joogsanin in ay dalalkooda u ciyaaraan kulamada caalamiga ah, maadaama ay naadiyadu haystaan awood ay ku joojin karayaan xiddigahooda inkasta oo taasina ay xumayn karto xidhiidhka ciyaartoyda iyo kooxahooda.
FIFA ayaa magdhow siisa kooxaha ay ciyaartoydoodu ka qayb-galaan tartamada caalamiga ah, gaar ahaan kulamada saaxiibtinimo iyo kuwa tartamada caadiga ahba, waxaana magdhowgu uu sii kordhaa haddii ay ciyaartoydu dhaawacmaan, laakiin guddida olombikadu ma laha awood dhaqaale oo ay ku bixin karaan magdhow sida FIFA ooi kale ah.
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid oo haysata saddex ciyaartoy oo reer France ah iyo Mbappe oo ay sugayaan ayaa waxa ay hadalka Thierry Henry u aragtaa dagaal uu kusoo qaaday halyeygan hore ee kooxaha Arsenal iyo Barcelona.