25ka kooxood ee ugu guulaha badan kubadda cagta adduunka ayaa la shaaciyey, iyadoo laga eegay dhinaca tirada koobabka ay haystaan oo ay ugu badan yihiin dhamaan qaarada kala duwan ee dunida.
Manchester United oo ah kooxda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ugu guulaha badan ayaa liiskan kasoo gashay kaliya kaalinta 14aad, halka Real Madrid ay iyaduna ku jirto lixaad oo ay jiraan saddex kooxood oo kasii sarreeya oo waliba ay u muuqato in aan si dhayal ah lagu gaadhi karaynin.
Warbixin lagu eegay dhamaan kooxaha ka dhisan adduunyada ee qaarad walba, siiba tartamada diiwaangashan ee FIFA u rikoodh garaysan oo aanay ku jirin naadiyada ka dheela waddamada burbursan, ayaa waxa lagu soo xulay 25ka kooxood ee ugu koobabka badan.
Inkasta oo kooxaha qaaradda Yurub ee ka ciyaara Premier League, LaLiga, Serie A, Bundesliga, Ligue 1 ama Champions League ay yihiin kuwa loogu daawashada badan yahay ee kubadda jeclaysiiya taageereyaasha, haddana ma aha kuwa ugu guulaha badan.
Kooxda horyaalka waddanka Masar ee Al Ahly oo haysata 121 koob ayaa ah naadiga ugu guulaha badan kubadda cagta, waxaana koobabka ay haystaan ay iskugu jiraan horyaalka Masar, Champions League Afrika, tartamada Carabta iyo xataa Club World Cup.
Rangers oo ka dhisan Scotland oo 118 koob ku guuleysatay ayaa ah kooxda labaad ee adduunyada oo dhan ugu koobabka badan, waxaana iskasta oo ay sannadihii dambe liiteen ay haddana yihiin kooxda Yurub oo dhan ugu guulaha ama koobabka badan.
Waxa kaalinta saddexaad ku jirta kooxda horyaalka Uruguay ee Club Nacional de Football oo 116 koob ku guuleysatay, halka Celtic oo Scotland ah ay 113 koob haysato iyo Atletico Penarol oo Uruguay ka dhisan oo 110 koob ku guuleysatay oo ah kooxda kaalinta shanaad ku jirta.
Real Madrid ayaa halkaas kasoo gashay oo noqotay kooxda lixaad ee ugu guulaha badan kubadda cagta, waxaanay haysataa 97 koob oo ay ugu jiraan horyaalka LaLiga ee ay toddobaadkan ku guuleysteen iyo Spanish Supercup oo ay bishii January ka qaadeen Barcelona.
Halkan kaga bogo 25ka kooxood ee ugu guulaha badan kubadda cagta
23. CSKA Sofia (Bulgaria) – 49 koob
22. Grasshopper Zurich (Switzerland) – 49 koob
21. Zamalek (Egypt) – 53 koob
20. Deportivo Colo-Colo (Chile) – 55 koob
19. Club Olimpia (Paraguay) & Boca Juniors (Argentina) – 56 koob
18. FCSB (Romania) – 58 koob
17. Anderlecht (Belgium) – 60 koob
16. Galatasaray (Turkey) – 62 koob
15. Liverpool (England) – 63 koob
14. Manchester United (England) – 66 koob
13. Juventus (Italy) – 67 koob
12. Ajax (Netherlands) – 73 koob
11. FC Porto (Portugal) – 77 koob
10. Olympiakos (Greece) – 79 koob
9. Bayern Munich (Germany) & Al-Faisaly (Jordan) – 81 koob
8. Benfica (Portugal) – 83 koob
7. Barcelona (Spain) – 92 koob
6. Real Madrid (Spain) – 97 koob
5. Atletico Penarol (Uruguay) – 110 koob
4. Celtic (Scotland) – 11 koob
3. Club Nacional de Football (Uruguay) – 116 koob
2. Rangers (Scotland) – 118 koob
1. Al Ahly (Egypt) – 121 koob