Kooxda kubadda cagta Barcelona waxa ay u dhacday kaalinta saddexaad ee horyaalka LaLiga toddobaadkan, kaddib markii ay Girona ku karbaashtay 4-2 kulan sabab u noqday inay horyaalka LaLiga ku guuleysato Real Madrid, sidoo kalena ay Girona usoo gudubto Champions League xilli-ciyaareedka dambe markii ugu horreysay taariikhdeeda.
Waxa uga sii horreysay guul-darrooyin ay kala kulmeen PSG oo sababtay inay ka hadhaan tartanka Champions League iyo Real Madrid oo ku garaacday Santiago Bernabeu isla markaana soo afjartay rajadii ay ka qabeen inay horyaalka u tartami karayaan.
Joan Laporta oo ah madaxweynaha Barcelona, Deco oo ah agaasimaha kooxdaas iyo tababare Xavi Hernandez ayaa garoonka ka baxay iyaga oo murugaysan kaddib ciyaartii Girona oo ay sidoo kale xaqiijisteen in iyadoo afar ciyaarood ka hadhsan tahay horyaalka ay awoodi kari waayeen in ay Real Madrid ka joojiyeen inay u dabbaal-degto horyaalka ay iyagu xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysteen oo ay difaacan kari waayeen.
Arrinta walaaca ugu weyn uu hadda ka haysto waa booska ay Barcelona kaga dhamaysanayso horyaalka LaLiga iyadoo afarta ciyaarood ee u hadhsan la dheeli doonta Real Sociedad, Almeria, Rayo Vallecano iyo Sevilla, halka Girona oo hadda dhibic ka horreysaana ay la dheeli doonto Alaves, Villarreal, Valencia iyo Girona.
Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, Barcelona ayaa haddii ay kaalinta labaad soo geli weydo oo ay Girona ka dhibco badnaan weydo, waxa ay geli doontaa xaalad dhaqaale oo kasii xun middii ay hore ugu jireen, waxaana ay waajihi doonaan in ay xayiraado kala kulmaan horyaalka LaLiga, si ay taas uga badbaaddaanna waxay ku qasbanaan doonaan inay iibiyaan qaar ka mid ah ciyaartoydooda muhiimka ah.
Ronald Araujo iyo Frenkie de Jong ayaa haddaba miiska saaran in la iibiyo, sidoo kale Pedri ayaa la sheegay in ay ku adkaan doonto inay kooxdu haysan karto, halka Joao Cancelo iyo Joao Felix ay dib iskaga celin doonto kooxihii ay ka yimaaddeen ee Manchester City iyo Atletico Madrid inkasta oo labada ciyaartoyba ay doonayaan inay sii joogaan. Waxa kale oo ay Barcelona iibin doontaa Ansu Fati oo amaah ugaga maqan Brighton & Hove Albion.
Shan ciyaartoy oo kaliya ayaa la sheegay in ay lama-taabtaan ka yihiin Barcelona, waana da’yarta kasoo baxday kulliyadda ee Lamine Yamal, Gavi, Fermin Lopez iyo Pau Cubarsi oo lagu daray goolhaye Marc-Andre ter Stegen.