Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagala wareegay kaalinta koowaad ee kooxaha lacagta ugu badan ay soo gashay xilli-ciyaareedkii tegay, inkasta oo haddana ay City ku guuleysatay saddexda koob ee Champions League, Premier League iyo FA Cup.
Wargeyska dhaqaalaha ee Deloitte ayaa soo saaray liiska 20ka kooxood ee ugu dakhliga badnaa xlli-ciyaareedkii tegay, waxaana kaalinta koowaad kala wareegtay Man City kooxda reer Spain ee Real Madrid oo xilli-ciyaareedkii tegay ee 2022-23 ay soo gashay lacag gaadhaysa €831 milyan oo Euro oo u dhiganta £710 milyan oo Gini, sidaasna ku noqotay naadiga dakhligu badan helay kubadda cagta oo dhan.
Manchester City oo guulo waaweyn gaadhay, waxa dakhliga soo galay uu gaadhay £705.6 milyan oo Gini, iyadoo lacagtaas qayb badan oo ka mid ah ay ka heleen guulihii saddexda koob ee FA Cup, Premier League iyo Champions League.
20ka kooxood ee ugu dakhliga badnaa, waxa uu dhaqaalahoodu kordhay 14%, waxaanay lacagaha ka sameeyeen ganacsiyada (iibka dharka iyo wayxaabo kale), lacagta ay ka sameeyaan garoomada, telefishannada, xayaysiisyada iyo waxyaabo kale.
Real Madrid ayay u tahay markii ugu horreysay ee ay kaalinta koowaad ee kooxaha ugu dakhliga badan hoggaanka u qabato tan iyo xilli-ciyaareedkii 2017-18, inkasta oo semi-finalka Champions League ay ku reebtay Manchester City, sidoo kalena ay Barcelona ka qaadday horyaalka LaLiga oo ay kaalinta labaad ku dhamaysteen, haddana waxa ay ku guuleysteen Copa del Rey, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup.
Paris Saint-Germain ayaa kaalinta saddexaad ku jirta oo dakhligeeda xilli-ciyaareedkii tegay uu ahaa €802 milyan oo Euro, Barcelona ayaa afraad ahayd oo soo xaraysay lacag dhan €800 milyan oo Euro, halka Manchester United ay ku jirto kaalinta shanaad oo lacagta ay heshay ay ahayd €746 milyan oo Euro.
Liverpool ayaa noqotay kooxda sida weyn hoos ugu dhacday, waxaanay ka siibatay kaalinta saddexaad oo ay xilli-ciyaareedkii 2021-22 ku jirtay, waxaanay u dhacday kaalinta toddobaad iyadoo dakhligeeda xilli-ciyaareedkii tegay uu noqday €683 milyan oo Euro oo u dhiganta £583 milyan oo Gini, waxaanay lacag ahaan hoos u dhaceen kudhowaad £1 milyan oo Gini, halka naadiyada kale ay sameeyeen korriin badan.
Tottenham, Chelsea iyo Arsenal ayaa ka mid noqday tobanka kooxood ee sare.
Waatan xogta 20ka kooxood ee ugu dakhliga badnaa kubadda cagta xilli-ciyaareedkii hore ee 2022-23 iyo xogta xilli-ciyaareedkii ka horreeyey ee 2021-22