Xidhiidhka kubadda cagta Ivory Coast ayaa ku dhawaaqay tababarahooda cusub ee hoggaamin doona, kaddib markii ay shaqada ka caydhiyeen Jean-Louis Gasset oo sababsaday markii uu xulkiisu kaalinta saddexaad kaga dhamaystay Group A, laakiin uu nasiibku u hiiliyey oo ay ka mid noqdeen afar xul oo ahaa kuwa ugu dhibcaha badan ee kaalmaha saddexaad galay, isla markaana lagu buuxiyey wareegga 16ka.
Emerse Fae ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee xulka qaranka Ivory Coast, waxaanu u dhashay isla waddankaas.
Sannadkii 2007, ayaa uu tegay horyaalka Premier League waxaana £2.5 milyan oo Gini kusoo iibsatay Reeding oo waqtigaas kala soo wareegtay kooxda horyaalka Faransiiska ee Nantes, hase yeeshee 11 ciyaarood oo kaliya ayuu u saftay iyadoo Reeding heerka labaad u dhacday sannadkii 2008.
Waxa uu dib ugu laabtay Faransiiska sannad kaddib, isaga oo ku biiray Nice oo uu lix ciyaarood oo kaliya ugu soo bilowday ka hor intii aanu ka tegin.
Waxa uu muddooyinkii dambe ahaa tababare ku0xigeenka xulka qaranka dalkiisa Ivory Coast, balse markii shaqada laga caydhiyey Jean-Louis Gasset ayaa isaga loo magacaabay.
Fae waa 40 jir 41 ciyaarood u saftay xulka qarankiisa, waxaana uu rajaynayaa in uu ka caawin doono inay u dagaallamaan sidii ay ugu gudbi lahaayeen wareegyada siddeedda iyo kuwa kasii dambeeya, isla markaana iskaga maydhi lahaayeen ceebtii ay ka qaadeen wareeggii koowaad ee Group-yada.