Qiimayn cusub oo la sameeyey ayaa lagu soo bandhigay 15ka goolhaye ee ugu wanaagsan kubadda cagta, kaddib markii Ederson uu ku guuleystay abaal-marinta goolhayaha sannadka ee FIFA Best, halka Thibaut Courtois uu noqday goolhayaha kooxdii sannadka ee FIFPRO 11.
Goolhayeyaasha reer Brazil ee Alisson Becker iyo Ederson oo u ciyaara kooxaha ku xafiiltamaya horyaalka Premier League ee Liverpool iyo Manchester City ayaa ka mid noqday liiska, laakiin waxa layaab noqotay in Ederson oo ku guuleystay abaal-marinta goolhayaha sannadka ee FIFA in uu kaalinta afraad kaga jiro liiskan.
Manuel Neuer oo ah goolhayaha Bayern Munich ee dhalan-geddiga ku sameeyey goolhayeyaasha, isla markaana qasabka ka dhigay inay koox walba raadsato goolhaye ku fiican in uu kubadda lugta ku ciyaaro oo uu qayb ka noqdo dhismaha kubadda ayaa isaguna ku jira tobanka sare ee goolhayeyaasha ugu fiican.
Neuer ayaa booskiisa cidhiidhsaday inkasta oo uu sannad iyo dheeraad ka maqnaa ciyaaraha kubadda cagta kaddib markii uu lug ka jabay xagaagii sannadkii hore isaga oo ku sugan meel baraf ah oo uu ku dheelayay.
Qiimaynta cusub ee la sameeyey ee lagu soo xulay 15ka goolhaye ee ugu wanaagsan ayaa lagu salleeyey sida ay goolhayeyaashu nadiifta uga dhigeen shabaqooda, inta badbaadin ee ay sameeyeen, rikoodhkooda xulalka ama ciyaaraha caalamiga ah, dhismaha kubadda iyo awoodda ay u leeyihiin inay joojiyaan kubbadaha xoogga ah ee lagu soo toogto.
Waa kuwan 15ka goolhaye ee ugu fiican kubadda cagta waqtigan:
1. Alisson – Liverpool
2. Thibaut Courtois – Real Madrid
3. Marc-Andre ter Stegen – Barcelona
4. Ederson – Man City
5. Mike Maignan – AC Milan
6. Guglielmo Vicario – Tottenham
7. Emiliano Martinez – Aston Villa
8. Andre Onana – Man United
9. Jan Oblak – Atletico Madrid
10. Manuel Neuer – Bayern Munich
11. Yassine Bounou – Al-Hilal
12. Gianluigi Donnarumma – PSG
13. Yann Sommer – Inter Milan
14. Nick Pope – Newcastle
15. David Raya – Arsenal