Mauricio Pochettino ayaa uu saaran yahay cadaadis badan oo ay sii kordhisay guul-darradii weynayd ee ay kooxdiisa Chelsea kala kulantay Arsenal habeenkii Salaasada, taas oo keentay in jamaahiirta kooxdu ay dalbadaan in shaqada laga caydhiyo Mauricio Pochettino.
Pochettino oo maamula 31 ciyaartoy oo ay kooxdu kasoo bixisay lacag dhan £811.06 milyan oo Gini ayaa waxa uu awoodi waayey in kooxda uu sare uga soo qaado booskii ay xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay ee kaalinta 11aad oo ay haddana ku jirto.
32 ciyaarood oo Premier League ah oo uu Mauricio Pochettino tababare u ahaa, Chelsea waxa ay guuleysatay kaliya 13 jeer, waxaana layaableh in ay 30 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hoggaanka haysa ee Arsenal ee xalay 5-0 ku xasuuqday.
Xilli-ciyaareedkii hore oo 57 gool oo horyaalka ah laga dhaliyey Chelsea, ayaa la filayey inay horumar ka samayn doonaan xilli-ciyaareedkan socda, laakiin waxa illaa hadda laga dhaliyey 50 gool, shakina kuma jiro inay gaadhi doonaan intii xilli-ciyaareedkii hore ama ka badan. Kaliya lix kooxood ayaa goolal ka badan inta Chelsea laga dhaliyey.
Todd Boehly ayaa la sheegay in hadda uu ka fiirsanayo in uu Pochettino shaqada ka caydhiyo, waxaana inkasta oo uu isagu kalsooni ku qabo uu haddana u dhego-nugaalanayaa cadaadiska kaga imanaya taageereyaasha.
Toban tababare ayaa la sheegay in Chelsea ay kala dooranayso haddii ay shaqada ka caydhiso Mauricio Pochettino, waxaana ku jira macallinka ay ugu jecel yihiin taageereyaasha Chelsea ee Jose Mourinho.
Waa kuwan tobanka tababare ee ay Chelsea kala dooran doonto haddii ay erido Pochettino:
1. Ruben Amorim – Tababaraha hadda ee Sporting CP
2. Roberto De Zerbi – Tababaraha hadda ee Brighton
3. Hansi Flick – Wax shaqo ah ma hayo