Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa shaaciyey dhaawacyo jug culus ku ah naadigiisa ka hor ciyaarta Khamiista ee Brighton, taas oo ay u baahan yihiin inay guuleystaan si ay usoo yareeyaan farqiga dhibcaha ay ka horreyso Arsenal oo ah afar dhibcood.
Manchester City oo laba ciyaarood oo ay hoggaanka kula wareegi karaan ay gacanteeda ku jiraan, ayaa waxa ka dhaawacmay weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo seegi doona kulanka muhiimka ah ee Brighton.
City ayaa waxa ciyaartii Chelsea ee semi-finalka FA Cup kaga dhaawacmay Phil Foden iyo John Stones, iyadoo horena uu uga sii maqnaa Erling Haaland oo wax ku noqday ciyaartii guul-darrada ee Real Madrid ee wareegga siddeedda Champions League.
Pep Guardiola oo maanta la hadlayey saxaafadda ayaa xaqiijiyey in Phil Foden iyo John Stones ay dib ugu soo laabteen tababarka oo ay taam u yihiin ciyaarta Brighton, balse waxa uu meesha ka saaray Erling Haaland, waxaanu yidhi: “Erling Haaland diyaar ma aha berri, laakiin labada kale [Foden & Stones]”
Erling Haaland oo xilli-ciyaareedkan dhaliyey 31 gool oo dhamaan tartamada ah ayaa waxa uu saxeexay 20 gool oo Premier League ah.