Thomas Tuchel ayaa aaminsan in Bayern Munich ay faa’ido ka heysato Arsenal madaama ay kaga khibrad badan yihiin tartanka Champions League.
Bayern Munich iyo Arsenal ayaa ku kala baxay barbaro 2-2 ah kulankii Emirates Stadium ee todobaadkii hore iyadoo shan ka mid ah ciyaartoydii Bayern u saftay ay ahaayeen kuwa kor u soo qaaday Koobka Dhega Weyne.
Marka loo barbardhigo Gunners, waxay heystaan kaliya labo ciyaaryahan oo horay koobka u soo qaaday waana Kai Havertz iyo Jorginho, halka inta badan ciyaartoyda kale ay markii ugu horeysay ka ciyaarayaan tartanka Champions League.
Tababaraha Bayern Munich Tuchel ayaa gaaray finalka Champions League labo jeer isagoo koobka la qaaday Chelsea 2021kii, halka tababaraha Arsenal Mikel Arteta uusan waligiis tababare ka noqonin heerkaan oo kale Champions League.
Tuchel ayaa sharaxaad ku bixiyay: “Faa’ido ayaan ka heysanaa iyagaa madaama aan ka khibrad badanahay.
“Waxaa heysanaa ciyaartooy koobka ku guuleystay islamarkaana ciyaaray kulamo muhiim ah, laakiin waa inaan ka faa’ideysano khibraad. Cidna waxba inaguma siineyso.
“Haddii khibrada ciyaartoydeena ay ina siin karo boqolkiiba shan oo dheeri ah, markaas waan qaadaneynaa.”
Si kastaba, Tuchel ayaa sidoo kale digniin ku bixiyay in khibrad yarida Arsenal inay keeni karto inay bilaa cabsi ku dheelan kulanka caawa ee Allianz.
Markii ugu danbeysay ee ay Arsenal gaarto semi-finalka Champions League waxay aheyd 2009kii, iyagoo ku guuldareystay inay tartanka u soo baxaan intii u dhaxeysay 2017 iyo 2023.
Tuchel ayaa hadalkiisa raaciyay: “Mararka qaar faa’ido ayay noqon kartaa khibrad la’aanta, sababtoo ah waxaad noqoneysaa ugaarsade, waxayna Arsenal ugu danbeyn gaari kartaa semi-finalka ka dib waqti dheer.”