Mikel Arteta ayaa ka walwalsan taam ahaanshaha xiddigihiisa muhiimka ah Bukayo Saka iyo Martin Odegaard kulanka caawa ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Bayern Munich.
Tababaraha Gunners ayaa rajo ka qaba in labadiisa xiddig ee hal abuurka ah inay ka soo kabsadaan jug ay qabaan ka hor kulanka lugta labaad ee caawa iyadoo lugtii hore lagu kala baxay barbaro 2-2 ah.
Xiddiga garabka ka ciyaara Saka ayaa lugta jiidayay dhamaadkii kulankii Axada ee ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay Aston Villa.
Kubadsameeye Odegaard ayaa isna xanuun dareemay taasoo keentay in lagu bedelay Emile Smith Rowe daqiiqadii 79aad,
Arteta ayaa shalay oo Talaado ah yiri: “Waxaan heysanaa in ka yar 48 saacadood oo ay ku soo kabsadaan diyaarna ugu noqdaan ciyaarta.
“Waxaan sameynay tababar aad iyo aad u yar – sidaasi darteed waxaan xaaladooda qiimeyn doonaa berri, waana arki doonaa sida ay yihiin.”
Taam ahaanshaha labadaan xiddig ayaa walwal weyn ku heysa tababare Mikel Arteta.
Si kastaba, tababaraha reer Spain ayaa sheegay in qaab ciyaareedkii xumaa ee ay kooxdiisa kala hortagtay Aston Villa inaysan saameyn doonin kulanka caawa ee Bayern Munich.