Sida laga soo xigtay BILD, Thomas Müller oo 34 jir ah, qandaraasna kula jira Bayern Munich oo gaaraya ilaa 2025 ayaa soo afjaraya xirfadiisa kubada cagta.
Kulankii guuldarada wareega 8da ee Koobka Qaramada Yurub ee ay la ciyaareen Spain Müller ayeey u ahayd kulankiisii ugu dambeeyay ee qarankw Jarmalka.
Müller ayaa mar hore u xaqiijiyay in kulankii Spain uu ahaa kiisii ugu dambeeyay, isagoo markaasii sheegay inuu la fariisan doono tababaraha qaranka.
Müller ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay xulka Jarmalka bishii March 2010 kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Argentina.
waxa uu ciyaaray 131 kulan oo caalami ah 45 gool ayuu dhaliyay, waxa uu ku jiraa kaalinta saddexaad ee qiimaynta abid.
Kaliya Lothar Matthäus oo 63 gool ku dhaliyau 150 kulan iyo Miroslav Klose oo 46 gool ku dhaliyay 137 kulan ayaa ka badan.
Guushii ugu waynayd ee Müller uu gaaro waxay ahayd koobkii adduunka 2014, kulankii 7-da gool kaga badinayeen Brazil, isaga oo wadar ahaan dhaliyay shan gool intii uu socday tartankaas.