Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa koox weyn la wareegi doona xagaagan haddii ay erido Man United. Waxa Erik ten Hag albaabada u furtay Bayern Munich oo doonaysa inuu u beddelo Thomas Tuchel oo sii baxaya. (Christian Falk)
Bayern Munich waxa kale oo ay la hadashay tababaraha reer Spain ee Julen Lopetegui oo la sheegay in uu u dhow yahayinuu noqdo macallinka cusub ee West Ham. (Sky Sports)
Weeraryahanka Liverpool ee Darwin Nunez oo 24 jir ah ayaa waxa doonaysa Barcelona oo u aragta inuu yahay beddelka ugu fiican ee Robert Lewandowski oo 35 jir ah. (Sun)
Manchester United waxa ay sugaysaa dalabyo laga soo gudbiyo garabka weerarka Brazil ee Antony oo 24 jir ah, si ay boos ugu banneeyaan xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace iyo xulka France ee Michael Olise oo 22 jir ah. (Rudy Galetti)
Arsenal waxa ay heshiis la gaadhay Brentford oo ay si rasmi ah ugala wareegayso goolhayaha reer Spain ee David Raya oo xagaagii ay amaah kaga soo qaateen, isla markaana ku guuleystay abaal-marinta goolhayihii ugu fiicnaa Premier League. Arsenal ayaa waxa ay David Raya ka bixinaysaa £27 milyan oo Gini. (Fabrizio Romano)
Liverpool waxa ay rajaynaysaa in tababare ku-xigeenka Jurgen Klopp ee Pep Lijnders oo uu dib ugu soo laaban doono kooxda, iskasta oo ay hadda wada bixi doonaan saaxiibkii Jurgen Klopp. (Mirror)
Manchester United waxa ay isku dayaysaa in difaaceeda Harry Maguire oo 31 jir ah ay u isticmaasho inuu qayb ka noqdo heshiiska ay Everton kaga doonayaan Jarrad Branthwaite oo 21 jir ah. (Star)
Tababaraha kooxda reer Brazil ee Palmeiras ee Abel Ferreira ayaa doonaya in madaxweynaha kooxdiisa ee Leila Pereira uu joojiyo in Chelsea laga iibiyo garabka weerarka ee Estevao Willian, kaas oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo 55 milyan oo Euro. (Goal)
Weeraryahanka reer Serbia ee Dusan Vlahovic oo 24 jir ah ayaa waxa doonaya kooxo ay ka mid tahay Arsenal, inkasta oo kooxdiisa Juventus ay ku adkaysanayso in aanay iibinayn. (Tuttosport)
Difaaca reer England ee Jarell Quansah oo 21 jir ah, waxa uu Liverpool u saxeexayaa heshiis cusub oo waqti dheer ah, kaddib bandhig heersare ah oo uu ka sameeyey kooxda koowaad xilli-ciyaareedkan. (Mirror)
Inter Milan waxa ay go’aansatay in ay Manchester United iyo Arsenal kula tartanto weeraryahanka Bologna ee Joshua Zirkzee oo ah 2 jir u dhashay waddanka Netherlands. (90min)