Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka difaaca bidix ee reer France ee Ferland Mendy oo bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada xilli-ciyaareedkan, isla markaana ka caawiyey inay ku guuleystaan horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.
Real Madrid oo xalay ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ayaa waxa Ferland Mendy uu ahaa xilli-ciyaareedkan xiddig laf-dhabar ah oo qayb weyn kasoo qaatay halgankii ay usoo galeen inay ku guuleystaan horyaalka, sidoo kalena ay taagan yihiin semi-finalka Champiions League.
Laacibkan oo ay hore u dishoodeen dhaawacyo sababay in ay kooxdiisu ka fiirsato inay cusboonaysiiso qandaraaskiisa oo dhacaya sannadka 2025, ayaa waxa uu taam buuxa helay horraantii sannadkan, waxaana uu sidoo kale dib u helay qaab-ciyaareedkiisii fiicnaa iyadoo booskiisu uu noqday mid aanay kooxdu ka walwalin.
Carlo Ancelotti ayaa la sheegay in uu ku riixay kooxda inay heshiis cusub ka saxeexaan oo uu sii joogo naadiga, inkasta oo uu dalabyo ka helayo horyaallada Premier League iyo Sucuudiga.
Real Madrid ayaa dhinaca kale waxa ay sugaysaa difaaca bidix ee Bayern Munich ee Alphonso Davies oo 23 jir ah oo ay doonayaan in uu noqdo xiddiga sannadaha badan booskaas uga dheeli doona, balse sidoo kale kooxda laga doonayaa inay xal u hesho mustaqbalka Fran Garcia iyo Miguel Gutierrez.