Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa ka dalbaday maamulka kooxdiisa, in ay diyaariyaan lacago boqollaal milyan oo Gini ah oo uu ciyaartooyo kusoo iibsado marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu bisha June, si uu ula soo wareego ciyaartooyo ka caawiya in ay kooxdu ku tartanto horyaalka Premier League.
Erik ten Hag oo Manchester United loo magacaabay sannadkii 2022 ayaa illaa waqtigaas waxa uu kharash gareeyey lacag gaadhaysa £380 milyan oo Gini oo aanay jirin wax ay ka hayaan, isla markaana kooxdu wali daalaa-dhacayso, waxaana uu hadda dalbanayaa lacag kale.
Manchester United oo dhinaca kale ka walaacsan inay ku dhacayso sharciga dhaqaalaha ee laga doonayo inay u hoggaansanto, ayaa waxa ay ka maqnaan doontaa tartanka Champions League ee xilli-ciyaareedka dambe, sidoo kalena Chelsea ayaa kala baxday kaalinta toddobaad oo u riixday booska siddeedaad.
Sir Jim Ratcliffe iyo agaasimaha cusub ee kooxda dhowaanta yimid ee Omar Berrada ayaa la filayaa inay go’aamo ka gaadhaan mustaqbalka tababare Erik ten Hag iyo dalabyada uu usoo bandhigay intaba, waxaana sidoo kale ay go’aan ka gaadhi doonaan tiro ciyaartooyo ah oo hore loo sheegay in la xaraashayo.
Rasmus Hojlund, Alejandro Garnacho iyo Kobbie Mainoo ayaa la sheegay in ay yihiin kaliya saddexda ciyaartoy ee haysta kalsoonida Ratcliffe ee kooxdu ay doonayso inay haysato, balse waxa kale oo jira laacibiin ay adag tahay in ay Red Devils iibiso waqtigan sida Bruno Ferandes iyo Lisandro Martinez.